Hargaysa(Wajaale News):-Wasiirka Madaxtooyada soomaliland Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa Saaka Kormeer Ku Aaddan Dardar Galinta Iyo U Kuur Galida Xaalada Jidka Isku Xidhaya Hargeysa Iyo Sallaxley ku tegey Jidkaasi Inta Jidku kuu Jiro ayuu Horumarkuna kuu Jiraa,Wasiirka Madaxtoyada Somaliland
Wasiirka ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey Boggiisa Facebook iyo Bologgiisa gaarka ah ku sheegay sidan :
Saaka saacado kahor waxaanu socdaal ku tagnay jidka isku xidhi doona Hargeisa iyo Sallaxley, ujeedada safarkan oo ahayd dardar galin iyo u kuur galida xaalada shaqo ee ka socota jidkan ayaa ku soo dhamaaday rajo fiican iyo wax-qabad muuqda.Waxaa hubaal ah in muftaaxa horumarku yahay waddooyinka oo la samaysto hadbana inta uu jidku kuu jiro horumarkuna kuu jiro.
Waxaa farxad ah in shacabka reer Somaliland maanta meel ay jooganba ay ku foogan yihiin hirgalinta waddooyin cusub oo dalku yeesho, taaso macnaheedu noqonayo in aynu ku sii durkayno nolol horumar badan leh.
Jidkan isku xidhi doona Sallaxley iyo Hargeysa, waa jid muhiimad wayn u leh dalka iyo dadkiisaba Insha Allahu maalin dhawna guul inoogu dhamaan doona.
Ka xukuumad ahaan waxaanu diyaar u nahay taageerida, dhiirigalinta iyo garab joogsiga jid kasta oo ay bulshadu wado, si aan u helno dal isku xidhan oo dadkiisu si sahlan iskugu gudbi karaan.
Waxaan u hambalyeynayaa bulshada qaybaheega kala duwan ee u guntaday hirgalinta jidkan isla markaana marinaya meel wanaagsan oo bushaaro leh.
Aynu duco iyo duunyaba ku taageerno Waddooyinka dalka ka socda waayo maalinba mid ayaad u baahan tahay in aad marto.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane