WAJAALE NEWS

Wasiirka Macdanta Oo Sheegay Inaanu Sharcigu Dhigayn In Golaha Wakiiladu Ansixiyo Heshiisyada Ay Galaan, Sheegayna In Shirkada Genel Dib Uu Bilaabayso Hawlihii Sahaminta+Ciidamo Gaar Ah Oo Ay Xukuumadu U Diyaarisay Amniga Shirkada.

wasiirka macdanta iyo biyahaHargeysa(Wajaale News):-wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland Xuseen Cabid Ducaale ayaa markii ugu horaysay daboolka ka qaaday in shirkada Genel Energy ay si rasmiya u bilaabi doonto hawlihii sahaminta shiidaalka ee ay dalka ka waday.

Wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland waxa uu sheegay inay xukuumadu balan qaadayso amaanka shaqaalaha shirkada Genel  isaga oo sheegay inay xukuumadu diyaarinayso ciidamo gaar ah u ilaalinta amaanka shaqaalaha iyo goobaha laga wado sahaminta shiidaalka.
Ugu horayn wasiirka wasaarad macdanta iyo tamarta Somaliland oo ka hadlaya sidii ay xukuumadu uga hawl gashay caqabadihii la soo darsay shirkada Genel ayaa waxa uu sheegay inay xukuumadu xalisay, waxa kale oo uu sheegay inay xukuumadu diyaarisay ciidan gaar ah oo ilaalinaya  amniga goobaha laga bilaabayo sahaminta shiidaalka waxaan hadaladisii ka mid ahaa ?Xukuumadu si weyn ayey uga hawl gashay sidii aanay shirkada Genel marna u gali lahayn dareen la xidhiidha inay dalka ka baxdo, runtiina shirkadu mar kaliya may go,aansan inay dalka ka baxdo balse shaqadii ay ka waday  dalka ayey hakad galisay, waxaanay u joojisay caqabdo ka hor yimid waanan ka hawl galnay wixii cabasho ah ee ay shirkadu waday anaga oo xalinay,waxyaalaha ugu waaweynaa waxa ka mid ah inay ka baqatay amniga taasna dawladu waxay qaadatay go,aan ah in la sameeyo ciidanka sugaya aniga goobaha laga baadhayo shiidaalka, ciidankaas oo ah kuwo cusub kaas oo qalabkiisa iyo tababarkiisuba gaar u yihiin kuwaas oo joogaya goobaha laga waddo sahaminta amaankana sugaya, hawsha sahamintuna imika waxay maraysaa in la qorsheeyo sidii wax loo qaban lahaa, Ayuu yidhi wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland oo la hadlay hctv

Sidoo kale wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland waxa kale oo uu ka war bixiyey  shuruucda dalka uga taala hawlaha sahaminta shiidaalka isaga oo sheegay in shuruucda  wakhtigan u taala dalku aanay marna sheegaynin in golaha wakiiladu ansixiyo heshiisyada debada ee ay xukuumadu gasho isaga oo taas badalkeedana sheegay inay ansixinta heshiisyadaas leeyihiin golaha wasiirada Somaliland waxaanu yidhi ?Haddii aan ka hadlo heshiisyada aanu la galnay shirkadaha ee hadal hayntoodu hadyo jeer soo noq noqoto ee la leeyahay maxaa loo gayn waayey baarlamaanka, anigu waxaan leeyahay wax baqasho ah oo aanu ka qabno  inaanu heshiisyadan u gudbino baarlamaanka ma jirto, laakiin waxa jira hab kaas oo ah in shuruucda inoo dejisan wakhtigani ay ku suntan tahay in wasiirka  wasaarada macdanta iyo tamartu hormood ka ah, laakiin haddii debadeed yimaado oo shiidaal baadhis ah ama macdan baadhis ah waa in golaha wasiiradu ansixiyaan meel ay kaga taalo waa inay golaha wakiiladu ansixiyaan ma jirto waana sharciga imika inoo yaala, shuruuc cusub ayaanu rabnaa imika inaanu samayno haddii ay jirto shuruuc kale oo sheegaysa inay baarlamaanku ansixiyaan waa in shir gudoonka soo gudbiyo oo uu yidhaahdo shuruucdaas ayaa dhigaysa inaanu ansixino.? Ayuu yidhi wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland.

 

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version