WAJAALE NEWS

Wasiirka Macdanta Iyo Wakiilka Shirkada Genel Mr Ibraahim Xasan Oo Qandaraasyo Cusub Hoos-hoos U Bixiyay

Waxay ahayd horaantii bishii September ee sanadkan markii ay shirkada Genel si lama filaan ah uga baxday dalka Somaliland iyadoo bixitaankeeda sabab uga dhigtay arimo la xidhiidha dhinaca amaanka (security) oo ay ku tilmaantay mid soo xumaanayey.

 

Hargeysa(wajaalenews) – Siday ilo xogogaal ah oo ka tirsanwasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland ay Haatuf u sheegeen, wasiirka wasaaradaasiMr Xuseen Cabdi Ducaale iyo wakiilka shirkada Genel dalkan u fadhiya MrIbraahim Maxamed Xasan ayaa dhawrkii maalmood ee u dambeeyey ku mashquulsanaabixinta qandaraasyo ku tacaluqa hawlaha saliid baadhista ee la filayo inshirkada Genel Energy ay sanadka 2014 horaantiisa dib uga bilawdo dhulkaSomaliland.

Qandaraasyadan oon la shaacin ayaa sida la sheegaywasiirka macdanta Xuseen Ducaale iyo Ibraamin Xasan hoos-hoos dad gaar ah uguqaybinayaan, waxaana adeegyada iyo

shaqooyinka lagu bixinayo qandaraasyada kamid ah shaqaalo qorista (field staff recruitment), gaadiidka kirada ah iyoshidaalka (rental vehicle & fuel), ilaalinta amaanka (security service),cuntada (catering), soo saarista alaabta shirkada uga soo degta dekeda amamadaarka (port and airport clearance agents), xidhiidhka dadweynaha (publicrelations) iyo adeegyo kale.

Shirkada Genel Energy ayaa sanadkii 2012 waxaywasiirka macdanta Somaliland la gashay laba heshiis oo ay saliid (oil) kagabaadhayso goobo xadidan (blocks) oo ku kala yaala labada gobol ee Saraar iyoOodweyne, dhulka goobahaas oo ay sheegteen inay leeyihiin laba nin oo qurbajoogah oo la kala yidhaahdo Ibraahim Maxamed Xasan iyo Maxamed Yuusuf.

Waxay ahayd horaantii bishii September ee sanadkanmarkii ay shirkada Genel si lama filaan ah uga baxday dalka Somaliland iyadoobixitaankeeda sabab uga dhigtay arimo la xidhiidha dhinaca amaanka (security)oo ay ku tilmaantay mid soo xumaanayey.

Inkastoo amaan darada ay Genel ka hadlaysay ayahayd mid u gaar ah hawlaheeda shidaal baadhista oon dalka intiisa kale laqabin hadana siday warbaahintu markii dambe sheegtay waxa jirtay in wasiirkamacdanta Xuseen Cabdi Ducaale iyo Ibraahim Maxamed Xasan ay siyaabo fool-xun oomusuqmaasuq iyo qaraabo-kiil ku jiro u maamuleen hanaankii ay shirkadushaqaalaha u qoranaysay iyo qaabkay u bixinaysay qandaraasyada adeegyada ay ubaahan tahayba taas oo dhalisay inay iska horyimaadaan dadkii ku noolaadeegaanada saliida laga baadhayo iyo masuuliyiintii shirkadda oo dabeeto hakadla galiyo hawlihii saliid baadhista ilaa inta uu dhinaca Somaliland xalilayocarqalada ay Genel ka muujisay cabashada.

Wefti ka socda sharikada Genel oo uu hogaaminayoMr Tony Hayward oo booqasho ku yimid Somaliland bishii ina dhaaftay ee Novemberayaa si rasmi ah daboolka uga qaaday inay shirkadiisu hawlihii saliid baadhistadib uga bilaabi doonta dalka Somaliland.

 

wajaalenews desk

 

Haatuf

Exit mobile version