WAJAALE NEWS

Suldaanka Guud Ee Beesha Muuse Dhariyo Oo Hambalyo Ujeediyey Golaha Wakiiladda Somaliland.

Suldaanka Guud Ee Beesha Muuse Dhariyo Oo Hambalyo Ujeediyey Golaha Wakiiladda Somaliland.

Hargeysa(wajaalenews) Suldaanka Guud ee Beesha Muuse dhariyo ayaa Hambalyo ujeediyey Golaha Wakiiladda Somaliland oo maanta go?aamiyey in xubintii beeshaasi ku lahayd Guddida Cadaaladda Qaranka Kooto loogu xidho kadib markii Suldaanka Guud iyo Cuqaashu si adag uga hadleen kursigaasi oo laga qaadayey.

Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil oo go?aanka Golaha wakiiladda kadib la soo xidhiidhay lasoo xidhiidhay shabakada caalamiga ah ee hadhwanaagnews ayaa waxa uu Hambalyo u diray Golaha Wakiiladda, shacbiweynaha Reer Somaliland waxaana uu sheegay

in ay u soo celiyeen Xaq ay lahaayeen oo ay Cod dheer ku dooneen suldaanka oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi

Anigu Gob baan la hadlayey oo aan Xaq aan lahaa uga doonayey Gun, laakiin Gun baa iga daba hadashoo waa lagu yaqaaney, hase yeeshee waxaan kaga gam?ayaa in Golaha Wakiiladda iyo Somaliland ba ii hiilisay oo ay maanta noo go?aamiyeen kursigii aanu ku hadlaynay inay na siiyaan? sidaas waxa ku tiraabay Suldaan Naasir oo ku faraxsanaa go?aanka Golaha Wakiiladda.

 

Suldaan Naasir oo ka sii hadlayey dareenkiisu waxa uu carabka ku dhuftay  ? maalintii dhaweyd waxay ahayd markii iigu horaysay ee dareenkaygu sidaa aad ogaydeen u kacay xaq aan lahaabaanan ku doonayey oo iga hadlinayey, sidaan waraysigii aan siiyey waaheen ku sheegayna Dal aan Somaliland ahayn ma lihin, Beelaha Somaliland na meel aanu kala tagaynaa ma jirto, gaar ahaana beesha Isaaq ee aanu Ood-wadaagta nahay, laakiin waxaan ila garan kuwii aanu madarasadaha u dhiibnay ee aanu Telesom Mushaharka uga qornay oo isku kay dhereriyey, Telesom waxaan leeyahay Mushaharkii dad illaahay garanaya oo aan siyaasad ku jirin baa jiree noogu bedela kuwa siyaasadda u soo ban baxay?

 

?Nimanka salaadiinta sheegtay ee iga daba hadlay ee aanu malcaamadaha u dhiibnay ee telesom mushaharka noo siisay waxaanu leenahay nimankaasi siyaasad bay u soo baxeene hanala tartameena ka jara wixii aanu idiinka qaadi jirnay oo noogu bedela dadka wanaagsan.?

 

Suldaan Naasir waxa kale uu ka hadlay kooxo lala xidhiidhiyey waxaanu yidhi ?Waligay al-shabaab maan noqon mana noqonayo, sidaan Waaheen u sheegay anigu fidno maan kicinayn laakiin kuwo si kale u turjuntay ayaa naxli doonaya in ay walaalahayo na dhex dhigaan waanay ku guul daraysteen oo maanta waa kaas Golihii codsigayagii ajiibay, anigu intaan Somaliland ku noolaa Wanaag mooyee maalina dibin daabyadeeda kamaan shaqayn, dagaalkii aan idhi waanu ku qaadaynaana maan Odhan qori baan kala hor tagayaaye waxaan idhi dagaal Af-ka ah baan ku qaadayaa taasina waa ta aan xaqa u leeyahay? sidaas ayaa uu yidhi Suldaanka Guud ee Beesha Muuse dhariyo

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

contact;wajalenews@gmail.com

 

 

Exit mobile version