WAJAALE NEWS

Shaqaalihii Tallaalka Dabaysha Ku Hawlanaa Oo Ha?yadda UNICEF Iyo Wasaarada Caafimaadka Ku Edeeyey In Ay Lacagtii Shirqool Kaga Qaateen.

haayada unicfHargaysa(Wajaale News):-Shaqaalihii qaaday Tallaalka Gobalka Maroodi-jeexy, ayaa cabasho weyn ka muujiyay lacagtii ku shaqaynayeen oo ay dhacday ha?yadda UNICEF iyo wasaaradda caafimaadka Somaliland, isla markaana waxa jawaab ka bixisay eedahaas loo soo jeediyay Wasaaradda caafimaadka. Qaar ka mid ah Shaqaalihii kaShaqaalihii Tallaalka dabaysha u dambeeyay qaaday oo ku Eedeeyay Ha?yadda UNICEF iyo Wasaaradda Caafimaadka inay ka dhaceen lacagtii.
Shaqaalaha  Tallaalkii cudurka dabaysha oo magacyadoodu kala yihiin Cabdi Cawad Maxamed Digaale, Cabdiraxmaan Cali Aadan Faarax Cumar Kayse iyo Maxamed Cabdi oo doraato warbaahinta kula hadlayey magaalada hargasay ayaa sheegay inay dadkii ay ka masuulka ahaayeen ay dhamaantood haystaan, waxaanay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqeen inay wax ka qabato ha?yadda UNICEF oo caadaysatay inay masaakiinta iyo shacabka reer Somaliland ka faa,iidaysato xoogooda. Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Cabdiraxmaan Cali Aadan oo ugu horayn halkaas ka hadlay waxa uu sheegay inay u hadlayaan dad weynaha Magaaladda Hargeysa oo lacagtoodii laga dhacay, waxaanu yidhi, ?Waxaan u hadlaynaa dad weynaha reer Hargeysa ee Gobalka Maroodi-jeex qaybta tallaalka ee maalintii u dambaysay ka dhacay.

 

Anaga ayay Ummaddii nahaysataa oo ay naleeyihiin lacagtii aad nagu hawl-galiseen meeday oo idinka ayaa cunay ee natilmaama, waxaanu u sheegnaa in lacagtaas UNICEF dhacday iyo Wasaaradda Caafimaadka. Markii aanu aragnay Agaasimihii guud waxa uu nagu yidhi markaanu u tagnaba wiig ayuu noo qabanayaa, markaa dhalinyaradii shaqaynaysay waxaanu u sheegaynaa innaanu arag lacagtaas oo aanu qaadan. Waxay lacagtaasi ku maqan tahay wasaaradda Caafimaadka iyaguna waxay naleeyihiin lacagtii UNICEF ayay ku maqan tahay oo run iyo been waxay noo sheegayaan garan mayno.

 

Waxaanu xukuumadda ugu baaqaynaa in ummadda intay shaqada dhamayn dhididkooda farta laga saaro oo UNICEF ayaa dhalinyaradii u shaqaynaysay markasta waxay ka dhacdaa lacagtii yarayd ee ay ku shaqaynayeen. Dadkan tallaalka ka shaqaynaaya wax allaale iyo wax ay ku shaqaynayaan ma garanayaan, waxaana bulshada ugu baaqayaa inay dib uga joogsadaan ilaa waxooda la siiyo inay wax shaqo ah u qabtan UNICEF oo aanay dib ugu noqon wixii maanta ka dambeeya.
Cabdi Cawad oo isaguna ka hadlay waxyaabaha ay ka cabanayaan UNICEF oo uu sheegay inay hoggaamiyaan dad ka samaysan musuq-maasuq, waxaanu Madaxweynaha iyo xukuumadda ugu baaqay inay wax ka qabtaan ha,yadda UNICEF, waxaanu yidhi:-
Waxay yidhaahdaan waa nala dacayadeeyaa iyagii miyay ka hor imanayn, waxaanay leeyihiin kaalaya noo shaqeeya wixii aanu cunee, markaa UNICEF waxaanu u sheegaynaa in markasta tallaalka la qaado ay wasaaradddii leedahay UNICEF ayaa lacagtii keenin.

 

Qofkiiba maalintii waxa uu ku shaqeenayay $ 10 Dollar oo dadka lacagtu ay ka maqan tahay malintii waxay ku shaqaynayeen $10. Hadda waxaanu ognahay in dadka ay lacagtu ka maqan tahay gaadhayaan 320 qof ayaa Gobalka Maroodi-jeex uga qayb-galay oo intaas oo dhan waxa ka maqan lacagtii. Waxaana ka daran gaadiidkii qaaday tallaalka oo aan helin lacagtoodii. Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxaanu ka codsanaynaa inay wax ka qabtaan musuq-maasuqa ha,yadda UNICEF.
Dhinaca kale waxaanu khada Telifoonka kula xidhiidhay Wasiirka Wasaaradda Caafimadka Somaliland Saleebaan Ciise Xagla-toosiye,Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka oo shalayna u baxeen Jabuuti, balse nasiib-daro moobiladooda gacanta oo baqtiisan aw-geed noomay suurta galin inaanu helno. Geesta kale waxaanu habeen hore khadka Telifoonka kula xidhiidhnay Isu-duwaha caafimaadka Gobalka Maroodi-jeex Cabdi-dheere oo aanu wax ka waydiinay cabashadan, waxa uu sheegay inuu joogin xilligii talaalka oo uu waxyar ahaa isu-duwaha caafimaadka Gobalka Maroodi-jeex, isla markaana waxa uu tilmaamay inuu arrag dadkan ka cabanaaya lacagta laga dhacay. Read more: Shaqaalihii Tallaalka dabaysha u dambeeyay qaaday oo ku Eedeeyay Ha?yadda UNICEF iyo Wasaaradda Caafimaadka inay ka dhaceen lacagtii.

Hargaysa Office
Caalam News
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version