Ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxaya Baxsadka Taliyahaasi iyo Maxaabiistii la socotay balse wararka ay wajaalenews helayso
Laascaanood (wjn) Taliyihii Xabsiga Magaaladda Laascaanood Cabdi Nuur Aadan iyo tiro maxaabiis ah ayaa la sheegay in ay u baxsadeen dhinaca Maamulka Puntland.
Maxaabiistan oo ku xidhnayd xabsiga Magaaladda Laascnood oo loo haystay in ay galeen dambiyo kala duwan ayaa lagu soo waramayaa in ay gaadheen Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.
Ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxaya Baxsadka Taliyahaasi iyo Maxaabiistii la socotay
balse wararka ay wajaalenews helayso ayaa sheegay in ay go?aan ku gaadheen sidii ay uga firdhan lahaayeen deegaankaasi isla markaana u geli lahaayeen dhinaca Maamulka Puntland.
Si kastaba ha ahaatee dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee ka dhacda Magaalada Laascnood oo ee Gobolka Sool
WAJAALENEWS DESK