WAJAALE NEWS

Nuxurka Kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin Oo Ay Hargeysa Ku Yeesheen Guddoomiyeyaasha Wakiilada Iyo Guurtida

Hargeysa (Wajaale News):- Guddoomiyeyaasha Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada Somaliland ayaa maanta kulan albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay xarunta Golaha Guurtida ee Magaalada Hargeysa.

Ma cadda waxyaabaha ay labada masuul ka wada hadleen, balse markii uu kulankoodaasi dhamaaday ayay warbaahintu wax ka weydiiysay, waxaanu ka gaabsadeen in ay si cad uga hadlaan ujeedada kulankoodan.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) oo   La Waydiiyey In ay Gudddoomiyaha Golaha Guurtida isla soo qaadeen khilaafka udhaxeeya shirguddoonka Golaha wakiilada ayaa waxa uu yidhi ?may arintaas islamaan soo qaadin,waxa kale uu sheegay Guddoomiyuhu inaanay ka noqon doonin shirka talada qaran ee ay qabanayaan.

Sidoo kale mar lawaydiiyey Guddoomiyaha Golaha wakiilada somaliland in ay madaxwaynaha somaliland ugudbiyeen waraaq uu kagag soo qayb galayo talada qaran ayaa waxa uu yidhi?Waraaqda saxaafada umaan qorin lakiin way jirtaa waraaq aan madaxwaynaha uqoray.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Guurtida somaliland mudane saleebaan Maxamuud Aadan oo isna dhankiisa saxaafada waxa ka waydiisay waxa ay ka wada hadleen cabdiraxmaan ciro ayaa waxa uu yidhi?danaha qaranka ayaanu ka wada hadlay,

Guddoomiyaha mar ay saxaafadu waydiisay in  ay ka wada hadlayeen Kursiga cabdiraxmaan ciro oo madaxtooyadu duulaan ku tahay ayaa waxa uu yidhi?waar arintaas kamaanaan wada hadlin.

Mar lawaydiiyey Guddoomiyaha in ay  mucaaradku ku edeeyaan inuu madaxwaynayaashii hore uu dhaliili jiray madaxwayno siilaanyana uu ku tageero gar iyo gardarab ayaa waxa uu yidhi?wixii khaldan waa laga hadlayaa hadaanay waxa khaldanayey lagama hadlayo.

Guddoomiye saleebaan mar lawaydiiyey in uu kala hadlay Guddoomiyaha in ay xisbiyada mucaaradku ka noqdaan talada qaran ee ay ku dhaqaayeen ayaa waxa uu yidhi? anigu kuma jiro ee taas cidii ku jirta waydiiya, ayuu yidhi.

Hargaysa Office
Wajaale News
Email.habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version