Xukuumadda Somaliland Waxaanu Ka Codsanaynaa In Naloo Dhiso Jeel U-gaar Ah Caruurta Sharciga Khilaafta”
‘Maxkamadda Degmada Laasacaanood Waxay U Baahantahay Gaadiid “…. Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Laasacaanood
Laascaanood (wajaalenews)- Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Laasacaanood Mudane Xasan Maxamed Warsame ayaa ka warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay maxkamada degmadda muddadii uu xilka hayay, waxaanu sheegay in ay soo af-jareen kiisas badan oo isugu jiray dacwadaha ciqaabta guud iyo kuwa madaniga ah.
Guddoomiye Xasan Maxamed Warsame waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo aanu khadka telefoonka kula yeelanay isaga oo jooga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ugu horayna waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan:-
“Anigu xilka Guddoomiyaha degmada Laascaanood waxaan hayay muddo laba sanno ah, waxaa la isoo magacaabay sannadkii 2011-kii, bishii koobaad. Markii xilka naloo soo magacaabay maxkamaddu way xidhnayd, waa tii ay halkan ka dhaceen dilal badan oo garsoorayaal lagu laayay, maxaabiis badan oo xidhan. Markaa raggayagii lasoo magacaabay tallaabadii ugu horaysay ee aanu qaadnay waxay ahayd in aanu maxkamadihii dib u furno oo nin waliba maxkamaddii uu guddoomiyaha ka ahaa dib u furo ooh awl-geliyo.”
Guddoomiye Xasan Maxamed Warsame waxa kale oo uu intaa raaciyay “Markii aan furay maxkamadda degmada, waxay ka kooban tahay maxkamadda degmadu shan qaybood, waaxda arrimaha qoyska iyo shareecada Islaamka, waaxda dacwadaha ciqaabta ah, waaxda madaniga ah, waaxda caruurta sharciga khilaafta iyo waaxda fulinta. Shantii waaxood ba waan hawl geliyay inkasta oo caruurta sharciga khilaafta aanay halkan ka dhisnayn jeel lagu dhaqan celiyo iyo garsoorayaal u gaar ah oo caruurta u tababaran, haddana yeelkeed ee waaxyihii kale way noo dhisan yihiin, sannadkaasina si fiican ayuu noogu dhaafay. Caddaaladii ayaanu sugnay oo weliba ka hor waxaa jiri jiray lacago cashuuro ah oo dacwadaha laga qaado, waxaas waanu baabiinay, dadka waxaanu u sheegnay in aanu anagu qaadano lacag nagu filan, dacwad kasta oo ay la yimaadaana ay tahay lacag la’aan, si caddaalad ahna loogu garsoorayo. Runtii dadku markii hore maxkamadaha cabsi ayay ka qabeen, laakiin dadkii halkaa wax badan ayaa uga muuqday, in dacwadihii soo batayaan dadkuna ay sharciga u hogaansamaan. Sannadkaasina waxa uu noogu dhamaaday guul.”
Gudddoomiyaha maxkamada degmada Laasacaanood waxa uu intaa ku daray “Sannadkii labaad isaguna sidaas oo kale iyo si ka fiican ayay hawshu noogu socotay. Hadda sannadkan hadaan ka soo qaado maxkamada degmada Laascaanood waxaa dacwadaha ciqaabta soo galay 69 dacwadood waxaa ii dhamaaday lixdan iyo afar kiis, waxaa hadhay oo hadda socda shan kiis.
Dacwadaha madaniga waxaa soo galay maxkamadayda degmada siddeetan iyo siddeed kiis, waxaa ii dhamaaday todobaatan kiis, waxaa ii hadhay oo hadda socda toban kiis.
Markaa, maxkamaddayada degmada oo intaas oo waaxood ka kooban shaqadoodu waxay u socotaa si habsami ah, shaqaalahayaga iyo garsoorayaashuna si habsami ah ayay shaqadooda u gutaan. Laakiin caqabado na hortaagani way jiraan, malihin gaadiid, waa meel aan la mid ahayn gobolada kale oo ay xasaasiyadi ka jirto oo ay garsoorayaashu taargad yihiin, markaa waxa jira qoraal aan hore u qoray oo aan leeyahay anagu kama maarmi karno gaadiid aanu ku rawaxno oo aanu hawlahayaga ku qabsano oo aanu ku rawaxno, markaa xagaa gaadiidka dhibaato ayaa naga haysata.”
“Waxa kale oo jira saddexda maxkamadood ee Gobol, rafcaan iyo haday tahay maxkamada degmadaba, waxaa jira qalab la’aan wax qalab ah oo aanu ugu nimi ma jiraan, anaga ayaa kuraas caag ah meelo ka soo qaadnay anaga ayaa miisaska macmacanay , markaa wax qalab ah oo ay xukuumaddu u samaysay ma jirto, markaa caqabada noogu weyn ee na hortaagani waa qalab la’aan. Dadku marka ay dhagaysanayaan fadhiyada dacwadaha furan, marka loogu talo galo in ay dhagaystaan dhinacyada loo garsoorayo waxay xaq u leeyihiin in ay helaan kuraas ay ku fadhiistaan oo ay dacwaddooda ku dhagaystaan, nasiib darro waxa ay dhibaato wayni naga haysataa xaga qalabka, xukuumaddana qaylo ayaanu u dirnay oo waxaanu nidhi maxkamadu xaga qalabka way ka dayacantahay ee ha naloo qalabeeyo.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha maxkamada degmada Laascaanood Xasan Maxamed Warsam, waxaanu intaa raaciyay “Dhibaatooyin kale oo badanina way jiraan oo dhinaca nabad gelyada iyo amniga oo ah, meeshan Laascaanood oo ah meel ay xarun ka dhigteen dad fidmo walayaal ah oo taargad ka dhigta garsoorayaasha iyo shaqaalaha maxkamadaha, arrintaa dhibaatadeedu way taagan tahay laakiin nasiib wanaag waxaa jira ciidan ilaalo ah oo ay xukuumaddu maxkamadaha ku caawisay ayaa jira, markaa taasi waa nasiib wanaag laakiin ninkii ay haddiisu dhamaatay meelna ku noolaan maayo.”
Guddoomiyaha maxkamada degmada Laascoond waxa kale oo uu ka waramay kiisaskii ugu layaabka badnaa ee soomay muddadii uu xilka maxkamada hayay, waxaanu yidhi “Kiisaska maxkamaddayda ugu badani waa kiisaska qoyska, kuwaasi oo ah ama gabadh dulman oo ninkeedii ka tahriibay oo leh mana furni laymana qabo oo ku hortaagan iyo gabadh ninkeedii halkan ku qayilayo oo bilaa masruuf ah oo ay leedahay biilna ma haysto ninkiina camal ma hayo, markaa horta anaga kiisaska ugu badan ee na soo maraa waa kuwaa, laakiin yeelkeed ee xal ayaanu ka gaadhnaa intii ILLAAHAY naga garansiiyo.
Waxaa iyana jirta hadda, anaga kiisaska na soo gala ee aanu awooda u leenahay waxaa ka mid ah waa dhaqan celis, wiil waalid caasi ah, haddana dadka way ku badan taasi, arrimaha layaabka leh ayay ka mid tahay wiil dhalinyaro ah oo hooyadii caayaya, kuwaas ayaa ka mid ah oo aanu edaab u samaynaa oo aanu u edbinaa.”
Garsoore Xasan Maxamed Warsame waxa kale oo uu ka hadlay cabashooyinka ay dadweynuhu inta badan kaga cawdaan maxkamadaha dalka oo ay ka mid yihiin sida laaluushka oo kale waxaanu yidhi “Waxaa jirtay maalin dhawayd oo aanu siminaar ka qayb galnay, kulankaas oo ku saabsanaa khilaafaadka nabadda, arrimaha bulshada oo dhan ayay u yeedhay, oday ayaa istaagay oo waxa uu yidhi maxkamaduhu laaluush ayay qaataan, aniga ayaa ka joogay markaa maxkamadaha oo waxaan idhi, aad ayay u fiican tahay in dhaliishayada naloo sheego, laakiin waxaan u baahanahay shakhsiga kaliya ee reer Laascaanood ah ee maanta soo baxa ee caddeeya in laaluush laga qaatay, waanu is wada casilaynaa dhamaantayo balan ayaanu ku qaadaynaa in aanu is wada casilno ee ha naloo sheego, cidi wax ku odhan mayso, odaygii arrintii meel uu ku caddeeyo ayuu garan waayay oo waxa uu yidhi dadkaa lahaa.
Markaa waxaa dhacda, labada qof marka aad u garnaqdo, labadii qof kii garta laga helaa dacaayad ayuu suuqa geliyaa, run baan kuu sheegayaaye maxkamadaha waxaa jira lacag dadka laga qaado oo la yidhaahdo kiis fur, habeenkii aanu xilkaa la wareegnay ayaanu tirtirnay oo aanu nidhi waxba kama jiraan. Xafiiskayga hortiisa waxaa ku hor qaran aayad Qur’aan ah oo ka hadlaysa laaluushku waxa uu yahay, markaa qofka caddaalada laga helaa dacaayad ayuu samaynayaa oo waxa uu odhanayaa laaluush ayaa la iga qaatay, haddii aad tidhaahdo soo caddee halka lagaaga qaadayna ma soo caddayn karo.”
Guddoomiyaha maxkamadda Degmada Laascaanood waxa kale oo uu ka hadlay qorshayaashii mustaqbalka dhaw uu ku taamayo in uu higsado waxa uu yidhi “Dhawaan waxaa ii qorshaysan, haddii aan xukuumaddana ka helo, in aan shanta waaxood ee maxkamadda degmada oo ah waaxda arrimaha bulshada iyo shareecada Islaamka, waaxda dacwadaha ciqaabta ah , waaxda dacwadaha madaniga ah, waaxda caruurta sharciga khilaafta iyo waaxda fulinta, in aanu waaxda caruurta sharciga khilaafta in aanu ku dacwoono dawladda la kaashano in naloo dhiso jeelasha caruurta ee dhaqan gelinta ahaaa ee caruurta u gaarka ahaa, garsoorayaashii gaarka u ahaa, waaxyahaas kale qudhooda wixii qalab ah ee ay u baahan yihiin naloo dhamaystiro oo naloo qalabeeyo, shaqaalaha naloo kordhiyo, wixii naga dhiman ee ay maxkamaddu u baahan tahay naloo qabto. Markaa arrintaasi waxay ku xidhan tahay anigu dedaalkayga waan dedaalayaa laakiin hadba sida aan dawladda khabar uga helo ayay ku xidhan tahay, qorshahayaguna waa kaa insha ALLAAH.”
“Bulshada aan ku dhex noolahay waxaan gaadhsiinayaa oo aan leeyahay, wallaalayaalow haddii aad aragtaan cid laaluush idin waydiisa haqarinina ee soo dacwooda oo kashif, laakiin been ha naga sheegina, waxa kale oo aan leeyahay marka laba qof loo gar naqo, waar gari laba qof kama wada qoslisee, war kiina tirsada in caddaalad darro laga marayoow, waxaad xaq u leedahay in aad farcaan qaadato, oo bal arag in caddaalad darro lagaa maray, laakiin dacaayada raqiiska ah naga daaya.” Ayuu ydihi Guddoomiyaha maxkamada degmada Laasacaanood Xasan Maxamed Warsam
By.Axmed Macalin Maxamuud
WAJAALENEWS.COM
LESCANOD OFFICE