WAJAALE NEWS

Koox Xildhibaano Ah Oo Wada Mooshin Xilka Lagaga Xayuubinayo Labada Gudoomiye Xigeen Ee Wakiilada

Hargeysa(Wajaale News):-Koox Xildhibaano ah oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland oo aqlabiyadoodu ka soo jeedo xubnaha muxaafidka xisbiga Kulmiye oo laga soo doortay ayaa la sheegay inay wadaan mooshin xilka lagaga xayuubinayo labada gudoomiye ku xigeen ee koowaad Baashe Maxamed Faarax iyo labaad Cali Yuusuf Axmed oo ka soo jeeda xisbul xaakimka Kulmiye oo iyagu qayrul sharci ku tilmaamay go’aanadii golahoodu fadhigii shalay codka aqlabiyada ah ku meel mariyay ajandaha kalfadhiga 23aad iyo isku shaandhaynta guddiyada golaha lagu sameeyay.

Sida ay WarBAAHINTA  u xaqiijiyeen qaar ka mid ah xubnaha muxaafidka ee laga soo doortay xisbiga Kulmiye oo ka cudur daartay in magacooda la shaaciyo ayaa sheegay inay

wadaan mooshin eedayn ah oo lid ku ah labada gudoomiye ku xigeen oo lagu eedaynayo in go?aan gole ay ka horyimaadeen, sida xeer hoosaadka goluhu dhigayana go?aanada goluhu ku ansixiyaan cod aqlabiyad ah oo gacan taag ah.

Waxa kale oo ilo wareedyadu intaasi ku darayaan in mooshinka xilka lagaga xayuubinayo labada gudoomiye ku xigeen oo la sheegay inay soo saxeexeen xubno tiradooda lagu qiyaasay dhawr iyo soddon la sheegay in todobaadkan ay horkeeni doonaan gole weynaha.

Dhinaca kale waxay wararku intaa ku darayaan in mooshinkani ka dhashay furitaankii kalfadhiga shalay ee labada gudoomiye ku xigeen aanay ka soo xaadirin iyo dacwada ay uga gudbiyeen Maxkamada sare labada qodob ee shalay goluhu si buuxda u meelmariyay, isla markaana ay muxaafid iyo mucaaridba uga midoobeen furitaanka kalfadhiga 23aad oo todobaadkii hore u furmi waayay khilaafkii golaha ka dhex oogmay, balse fadhiga shalay ayaa si weyn uga duwanaa dareenadii kala qaybsanaanta xildhibaanada golaha ka dhex jirtay, iyadoo meeshana ay ka baxday dareenkii cabsida ahaa ee laga qabay in furitaanka kalfadhiga ay hadhayn doonaan buuq iyo qalalaase ku laba kacleeya aqalka golahaasi wakiilada.

Source Haatuf

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version