WAJAALE NEWS

Gudoomiye Cirro Oo Kulan La Yeeshay Dhigiisa Ethiopia, Socdaal Booqasho Ahna Kusoo Maray Carwada Dhaqanka Qoomiyadaha Iyo Wax Soo Saarka Dalka Ethiopia

HARGEISA(WAJAALENEWS)Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland iyo Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo booqasho uu kaga qaybgalayo xuska maalinta qoomiyadaha dalka Ethiopia ku jooga magaalo madaxda dawlad deegaanka somalida Ethiopia ayaa kulan balaadhan la yeeshay gudoomiyaha baarlamaanka dawlad deegaanka somalida Ethiopia iyo tiro xildhibaano baarlamaanka ka tirsan.

Kulankan gudoomiyayaasha baarlamaanada labada dal ee Ethiopia iyo Somaliland yeesheen ayaa waxa uu ka dhacay xarunta baarlamaanka dawlad deegaanka somalida Ethiopia ee magaalada jigjiga, halkaas oo labada gudoomiye baarlamaan ay ku falanqeeyeen xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia.

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa martiqaad baarlamaan u fidiyey gudoomiyaha baarlamaanka dawlad deegaanka somalida Ethiopia iyo xubnaha baarlamaanka, martiqaadkaas oo ay ku imandoonaan Somaliland.

Dhinaca kale gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland iyo xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa lagu soo dhaweeyey socdaal booqasho ah oo uu ku tagay carwada lagu soo bandhigayo dhaqanka qoomiyadaha iyo wax soo saarka dalka Ethiopia.

Maareeyaha guud ee carwada bandhiga dhaqanka qoomiyadaha iyo wax soo saarka ayaa gacmo furan kusoo dhaweeyey gudoomiyaha golaha wakiilada iyo waftigiisa, isla markaasna kusoo wareejiyey qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay carwada dhaqanka qoomiyaha dalka Ethiopia iyo qaybaha wax soo saarka ee carwadaasi ka koobantahay.

Dhinaca kale ciidanka dawladda fadaraalka ayaa gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland kusoo wareejiyey qaybta wax soo saarka ciidanka fadaraalka dawladda Ethiopia, halkaas oo gudoomiyuhu kusoo maray baabuurta dagaalka ee qufulan ee ciidanka fadaraalka Ethiopia iyo ciidanka dawlad deegaanka somalida Ethiopia ay leeyihiin.

Soo dhaweynta diiran ee gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland iyo xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI kala kulmay dawladda Ethiopia ayaa astaan u ah xidhiidh sokeeye ee gudoomiyuhu la lahaa dawladda Ethiopia sideedii sanno ee uu gudoomiyaha golaha wakiilada ahaa.

Dibloomaasiga hogaamiya golaha wakiilada Somaliland iyo xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa lagu tiriyaa inuu yahay shakhsiyaad Somaliland ugu horeeya ee xidhiidh furfuran la leh dawladaha caalamka khaas dawladda Ethiopia oo xidhiidh saaxiibtinimo oo dhaw la leh Somaliland.

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

CONTACT; WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version