WAJAALE NEWS

GUDIDA QAADHAAN URURINTA EE WADA CEERIGAABO OO MAANTA LAGU SOO DHAWEEYEY AIRPORTKA HARGEISA.(Sawiro)

Hargaysa(Wajaale News):-Waxa Maanta Dalka ku soo laabtay Gudidii qaadhan ururinta Wadada ceerigaabo oo ka koobnaa 4 xubnood kuwaasi oo saaka subaxnimadii lagu soo dhaweeyey Cigaal International Airport waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ahna Gudoomiyaha Gudidada Qaadhaan ururinta wadada ceerigaabo, iyo Gudoomiye kuxigeenka Gudida Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyaanle oo ay wehelinayeen Xildhibaan Nacnac, Maareeyaha Television ka qaranka iyo Xubno ka mid ah saxaafadii halkaasi kaga hortagtay weftigan oo naasho ka dib ka war bixiyey u jeedadii socdaalkooda iyo wixii u soo hirgalay intii ay ku jireen saxafkooda.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version