Hargeya(Wajaale News):-guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go,aanka ay maxkamada sare ee somaliland ku xayirtay fadhiyada golaha wakiilada Somaliland.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ka halday khilaafka haatan ka taagan golaha wakiilada Somaliland, amarka ka soo baxay maxkamada sare ee la xidhiidha xayiraada fadhiyadda golaha, nidaamka dawladeed ee dalka iyo qodob kale.
Ugu horayn gudoomiyaha xisbiga Ucid oo ka hadlaya xaalada haatan ka taagan golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan , Aarinta ka taagan golaha wakiiladu waa nasiib darro, mushkilada ina haysataana waxa weeye cudurkani inuu marba meel ka galo Somaliland halkii ugu danbaysay ee uu galayna waa golaha wakiilada oo aynu ku canaan jirnay inuu ku milmay dawladii, markii ay imika damceen inay dib u habayn isku sameeyeen ee canaantu ka qabsaday shacabkii iyo caalamkaba dee waa taa iyagii lala dul fuulay, waana nidaam darada ka taagan dalka, waa waxaan ka qaylinayey sanadka ee aan lahaa dalku wuu is dhex yaacay, markaa waxaan leeyahay sharciga ha la ilaaliyo oo muranka ha laga baxo, umaduna uma tag hayso muranka, shaqadiisana ha loo daayo baarlamaanka xeerar ayuu leeyahay distoor ayaa jira, guddiyo ayaa jira wixii muran dhexdooda ka taagana iyagaa dhamaysan kara umana arko inay muuqato wax ay maxkamadu u soo dhex gasho, waa qaladkii barigii hore ay sameeyeen ee ay soo dhex galeen xisbiga Ucid oo leh guddi anshax iyo xeerar, markaa waxaanu u aragnaa inay tani tahay mid meel lagaga dhacayo nidaamkii garsoorka dalka.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid oo hadalkiisa sii wata ayaa fariin u diray madaxweynaha Somaliland isaga oo u soo jeediyey inuu xaalada dalka ka qabto dad uu sheegay inay ku ciyaarayaan waxanu yidhi ?Mmadaxweynahana waxaan leeyahay inaad muran ku dhamaysato wakhtigaaga waa lagaaga fiicanyahay nin oday ah ayaad tahay taladana adiga ayaa laguu dhiibay wadanka aynu wada hagaajisano gacan aanu ku siino madaxweynahana waxa u fiican inuu dadkiisa mideeyo mucaarid iyo muxaafidba laakiin hada ma muuqato, waxaan kaaga digayaa in dadkaa hada ku ciyaaraya dalka in adigu ay eedu ku raacayso oo cid kula qaybsanaysaa ma jirto, baarlamaankana ha la daayo ayaanu leenahay fara galinta ay maxkamadu samaynaysana inaanay xaq u lahayn oo ay wadanka ku keeni karto fool xumo.
Guddoomiyaha Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Somaliland Ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay inaanu dhex dhexaadin ka gali doonin xaalada haatan ka taagan golaha wakiilada Somaliland isaga oo ku sababeeyey in loo tirinayo hogaamiye mucaarid ah isla markaana gudoomiyaha golaha wakiilada lagu tirinayo dhinaca mucaaridka waxaanu yidhi ?Aniga dawlada iskuma wanaagsanin cabdiraxmaana dhinacayaga ayaa loo tirinayaa dhex dhexaad ma noqon karo ayaan filayaa laakin mid odaytinimo ayaa sheegayaa waxaanan la hadlayaa madaxweyne Siilaanyo waxaanan leeyahay sidan ay wax ku socdaan sharaftaada,magacaaga iyo dalkaba wax ayey u dhimaysaan, wax kastana haddii aad diidaan socon mayso, dalkani waxa uu ku soo caano maalay wada tashi isku tanaasul iyo wax wada qabsi, waxaan ku leeyahay dalka ha laga daayo dalkan dhibaatada idinkii kursiga ku fadhiyey ayaanu idin leenahay wax hagaajista anagii debada taagnayn ayaa idiinka lexejeclo badan, waxan dalka socdana adiga ayey taariikhdeedu ku raacaysaa.
Ugu danbayntiina gudoomiyaha xisbiga Ucid waxa uu sheegay in wax badan oo lagu canaan jiray dawladii hore ee Somaliland ay haatan dalka ka dhacayaan isaga oo sheegay inay Somaliland maanta ka taliyaan dawlado is barkan oo midiba gaarkeeda wax u maamusho waxaanu yidhi ?Wax badan oo aynu dawladii hore ku canan jirnay ayey kuwani sameeyaan halkii maalinta dhawayd laga soo celiyey Jamaal ee Caabudla anigana Daahir Rayaale ayaa iga soo celiyey Daahir Rayaalana waxa uu ahaa qof kaliya oo lala xisaabtami karo laakiin kuwani waxay kaga daran yihiin waa dhawr dawladood oo is dhex yaacaya mushkilada ina haysataana waa taas mushkiladuna waa yeynu la xisaabtanaa ma dawlada dhexe, ma dawlada hoose mise dawlada sare waana kooxo qaar beelo ayey ku talinayaan, qaarna qoyska iyo xididnimo ayey ku talinayaan qaarna magacii wasiirada iyo dawladii ayey ku talinayaan, meeshana waxa ka socda fawdo taasna in la eegto maaha dadkuna imika way qarxayaan oo qof waliba dibinta ayuu qaniinsan yahay, waxaanan leeyahay dalka sidan ha loo dhaamo.
Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.
Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane