WAJAALE NEWS

Guddoomiyaha Jaamacada Golis Oo Ka Hadlay Safar Uu Ku Tagay Dalka Kenya Iyo Heshiisyo Uu La Soo Galay Jaamacado Dalkaas Ku Yaala.

Hargaysa(Wajaale News):- Guddoomiyaha Jaamacada Golis  ayaa shir jaraaid oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa waxa uu kaga waramay socdaal uu ku tagay dalka Kenya iyo heshiisyo ay la soo galeen jaamacado caalamiya.

Guddoomiyaha Jaamacada Golis Dr Siciid Axmed Xasan oo warbaahinta kala duwan kula hadlayey xafiiskiisa Magaalada Hargaysa ayaa faah-faahin ka bixiyey heshiisyo rasmiya oo ay kala saxeexdeen Jaamacada Kenyata University iyagoo horena xidhiidh kaasi la mid ah jaamacada kale ee Joma Kenyata Of Agriculture ee dalkaasi Kenya.

Dr Siciid Axmed Xasan ayaa xusay in iyaga oo ka duulaya tayaynta waxbarashada ardayda , kor u qaadida heerka aqooneed ee macalimiinta dalka iyo kaabida aqoonta siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta kala duwan ee dawlada in ay heshiisyo dhaxal gal ah ay la soo saxeexdeen Jaamacada Kenyata ee dalka Kenya isla markaasna Somaliland laga bilaabayo bixinta shahaadada Masterka kuliyadaha kala ah Caafimaadka Bulshada(Public Health) Kuliyada tacliinta ee Master oo Education iyo kuliyada Maamulka Siyaasada Bulshada(Master Of Public Policy Managementa ) .

Guddoomiyaha Jaamacada Golis ayaa sheegay in kuliyadahaasi kala duwan ee uu sheegay uu dalku baahi wayn u qabay.

Sidoo kale waxa uu xusay iyagoo ka shidaal qaadanaya Mashruuca Horumarinta Caanaha Xoolaha ee uu dhawaan daah-furay Madaxweynaha Somaliland ay kulamo la yeesheen heshiisyana ay wada gaadheen haayada Caalamiga ah ee International Center For Insect Sydiology And Egyology haayadaasi oo ay iska kaashan doonaan jaamacada Golis habka cilmi baadhista ee dhinaca Caanaha.

Ugu danbayntii waxa uu tilmaamay in xidhiidhadani ay qayb ka yihiin xidhiidhada ay jaamacadu hore ula lahayd jaamacado badan oo caalamka ku yaala.

Hargaysa Office
Wajaale News
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane
Email:habane00@gmail.com

Exit mobile version