Xoghayaha D/hoose ee Degmada Gabiley C/raxmaan Nuur Abokor waxa uu sheegay in aanay aqoon isku laheyn Marwo Faadumo Siciid oo aanay, waligii is arag, islamarkaana, aanay waligii wada hadal arintaas, oo la fasiri kari waayey nuxurka uu uga duulayay isagoo
Xoghayaha D/hoose ee Degmada Gabiley C/raxmaan Nuur Abokor waxa uu sheegay in aanay aqoon isku laheyn Marwo Faadumo Siciid oo aanay, waligii is arag, islamarkaana, aanay waligii wada hadal arintaas, oo la fasiri kari waayey nuxurka uu uga duulayay isagoo dhinaca kalena carabka ku dhuftey in markii ay sheegaysey ama soo hadal qaadey magaciisa loo sheegayay, waxaanu ku tilmaamay in warka ay ka sheegtey indhoolayaasha iyo dhagoolayaashuba garanayaan.
Isagoo arimahaa ka hadlaya waxa kamid ahaa hadalkiisa “Anagu Faadumo Siciid isma naqaano waligayana ismaanu arag waligayana maanaan wada hadal taa waxa Tusaale u ah,Faadumo Siciid markii ay i sheegaysey magacaygii ayay garan weyday in magaceyga hoosta looga sheegayay oo la lahaa C/raxmaan baa la yidhaahdaa dee qofkaasi qof aan war siiyay ma aha, warkaasina war ay ay iyadu iska sameysatey in uu yahey indhoolaha iyo dhagoolayaasha ayaa garanayey”Ayuu yidhi Xoghayaha D/hoose ee Degmada Gabiley.
Haseyeeshee, waxa ay dad badani fahmi waayeen waxa uu uga jeedo warka ay sheegtey Marwo Faadumo Siciid ee Xoghayaha D/hoose ee Degmada Gabiley sheegayo, iyadoo aanay Wariyayaasha warkan ka soo qaadey wax Su,aal ah ka weydiin nuxurka uu kaga hadley Mowduuca Marwo Faadumo Siciid, mar aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino arintaasi, Xoghayaha D/hoose ee Degmada Gabiley C/raxmaan Nuur Abokor oo maalmihii u dambeeyay Dadweynaha Reer Gabiley hadalhayeen in uu sas ka qaadsanaa mowduucyo ay ka hadashey Marwo Faadumo Siciid oo katirsan Masuuliyiinta Xisbiga Ucid nooma ay suurta galin telefoonkiisa gacanta oo dansanaa awgeed.
Hadaladan Xoghayaha D/hoose ee Degmada Gabiley kaga hadlayay in Marwo Faadumo Siciid wax ka sheegtey sida uu hadalkiisa u dhigayo, ayaa marka loo sii dhabo galo u muuqda kuwa wakhtigan ka keenay arimo la xidhiidha kalsooni daro soo foodsaartey haseyeeshee, aan aheyn hadalo macno ku fadhiya marka dhinac walba laga eego.
Waxa kale oo Xoghayaha D/hoose ee Degmada Gabiley C/raxmaan Nuur Abokor ka waramey Socdaalka Maayarka Degmada Gabiley Shuceyb Maxamed Muuse uu ugu baxey dalka Jabuuti kaas, oo uu ku sheegay in uu ahaa mid sifo sharciya ah oo ku sahabsan socdaalkiisa, inkastoo aaney jirin cid weydiisey sababta uu sharciyan ugu halqabsadey isagoo ka hadlsaya waxa uu yidhi.
“Waa markii labaad ee uu tago Magaalada Jabuuti oo uu kasoo qaatey Dawooyin howlo Caafimaad aawadeed kabacdina loo qabtey mudo in uu mudadaa kusoo noqdo, mudadii Maayarka loogu talo galey howlo caafimaad awgeed inuu kusoo noqdo dalka jabuuti ayuu Gudoomiyihu ugu baxey uuna ku tagey,marka howshiisa caafimaad u dhamaatona illaahay hasoo nabedgelyo ayaanu leenahey ama ha usoo fudeydiyee wuu usoo noqon doonaa Degmadiisa, Gudoomiyihu safarkaa uu u baxey safar uu sifo sharciya ugu baxey ayuu ahaa, dadka meelahaa galiyay baro bogaandaduna wax jira ma aha Websityadana waxaan leeyahey iska ilaaiya dee warkaasi waa been howl caafimaad ayuu u tagey Howsha Caafimaadna markey usoo dhamaato qoraalna wuu qorey xilkiina wuxuu kusii wareejiyay Gudoomiye Kuxigeenka, intaa uu maqan yaheyna waxa xilka sii haynaya Gudoomiye Kuxigeenka sida uu dhigayo dastuurka Somaliland iyo Xeerka Gobolada iyo Degmooyinku, wax howl ah oo u xayirani majirto howl waliba sideedii ayay usoconeysaa ilaa intaa uu safarkaa caafimaad uga soo noqonayo”Ayuu yidhi Xoghayaha D/hoose ee Degmada Gabiley C/raxmaan Nuur Abokor.
Degmada Gabiley ayaa kamid ah Degmooyinka ugu dakhliga badan dalka marka loo eego D/hoose ee Somaliland intooda badan marka laga reebo Marsada Berbera, waxaana maalin walba uga soo xerooda Kastamka Cashuuraha Qaadka ee Kalabeydh lacag dhan afartan malyuun oo shilinka Somaliland ah ilaa konton malyuun inta u dhexeysa, waxaanay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley qaar kamid ahi xuseen sida Xildhibaan Iid Xasan Cabdi in Degmada soo galeen mudadii ay xilka hayeen lacag ka badan laba malyuun oo lacagta Dollarka Mareykanka ah taas, oo aan sida uu hadalkiisa u dhigay wax badan lagu qabanin, iyadoo la sheegay in Xoghayaha D/hoose ee Degmada Gabiley dibaaqayay kaambeyno mudooyinkan dambe ku socdey xilkiisa, inkastoo uu joogay wakhti badan marka loo eego Xukuumadan.
WAJAALENEWS.COM
HARGEISA OFFICE
CONTACT;WAJALENEWS@GMAIL.COM