WAJAALE NEWS

Daawo: Kalashnikov Ninkii Ikhtiraacay Qoriga Gumaadka Ugu Badan Dunida Ka Gaystay Ee AK-47 Oo Geeriyooday

Mikhail Kalashnikov, oo sanadkii 1919-kii, ku dhashay dalka Ruushka waxa uu hindisay oo gacantiisa ku sameeyay, qoriga noqday kan dunida dhiiga ugu badan ku daadiyay ee AK-47, waxaanu ku dhintay cusbitaal ku yaala

 

Izhevsk, (Wajaale-News):- Masuuliyiinta xukuumada Ruushka ayaa shaaciyay dhimashada Ninkii Ikhtiraacay qoriga AK-47, ee isaga loogu magaca daray, Mikhail Kalashnikov, kaas oo geeriyooday isaga oo afar iyo sagaashan jir cimrigiisu marayo sida la xaqiijiyay.

Mikhail Kalashnikov, oo sanadkii 1919-kii, ku dhashay dalka Ruushka waxa uu hindisay oo gacantiisa ku sameeyay, qoriga noqday kan dunida dhiiga ugu badan ku daadiyay ee AK-47, waxaanu ku dhintay cusbitaal ku yaala magaalada Izhevsk ee dalka Ruushka, halkaas oo uu ilaa bishii November xanuun soo ritay u jiifay.

 

 

 

WAJAALE NEWS DESK

 

Wajaale Office

Exit mobile version