WAJAALE NEWS

Akadamiga Nabadda Iyo Horumarinta Somaliland Oo Markii Ugu Horreysay Shaacisay Dood-cilmiyeedka Sadexda Xisbi Qaran Ku Heshiiyeen Iyo Wakhtiga La Qabanayo.

“Saddexda Xisbi Qaran Waxay si qoto dheer isula Af-garteen Ajendaha Dood-cilmiyeedka Xisbiyada iyo wakhtiga la qabanayo….”Agaasimaha Fulinta ee Akadamiga nabadda iyo horumarinta Somaliland Garyaqaan Maxamed Faarax.

Hargeysa(wajaalenews):- Agaasimaha Fulinta ee Akadamiga nabdda iyo Horumarinta Somaliland (Acadamic For Peace And Development) Garyaqaan Maxamed Faarax Xirsi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay ajandaha Dood-cilmiyeedka ay saddexda Xisbi qaran KULMIYE, UCID iyo WADDANI ku heshiiyeen iyo wakhtiga la qabanayo.

Garyaqaan Maxamed Faarax Xirsi waxa uu sidaa ku sheegay Warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay oo uu maanta nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyey Xafiiska Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com.

Waxaanu qoraalkaasi  u dhignaa sidan:

“Saddexda Xisbi Qaran ee UCID WADDANI iyo KULMIYE oo 19/12/2013 uu Akadamiga nabadda iyo horumarinta Somaliland isugu keenay, iyaguna heshiis ay u dhammaayeen isla gaadheen, waxay 24/12/2013 shalay isla af-garteen in qabashada doodan loo magac-bixiyo, taas oo laga dhigay Dood-cilmiyeedka Xisbiyada Qaranka.

Haddaba, saddexda Xisbi qaran waxay si qoto dheer isula af-garteen ajendaha Dood-cilmiyeedka Xisbiyada iyo wakhtiga la qabanayo oo ku beegan horaanta bisha February ee 2014-ka iyo qaab dhismeedka ay yeelaneyso Xisbiyada qaranku.

 

Dood-Cilmiyeedkan waxa ka soo qeybgeli doona qeybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland iyo aqoon-yahano. Doorka Akadamigu waxa weeye in uu saddexda Xisbi Qaran ka caawiyo gogol-fidinta iyo abuurista jawi ay ku fuli-karto hawshii Xisbiyaddu ku heshiiyeen”.

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

CONTACT;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version