WAJAALE NEWS

Ajandahan Waxa Samaystay Guddoomiyaha, Kumana Qanacsanin….Laakiin Ajande Cusub Ayaanu Berrito Golaha Keenaynaa” Guddoomiye Xigeenka 1aad Baashe Maxamed Faarax

HARGEISA(wajaalenews) labada Guddoomiye xigeen ee Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed, ayaa sharci-daro ku tilmaamay isku shaan-dhayn uu Guddoomiyaha Golahaasi ku sameeyey Guddihoosaadyada, isla markaana waxa ay ku eedeeyeen inaanu wax la tashi kala samayn iyaga labada Guddoomiye xigeen.

labada Guddoomiye xigeen oo aan saaka ka soo xaadirin kalfadhiga 23aad ee aqalka Wakiillada u furmay, kuwaasoo sheegay inay qoraal u gudbiyeen Maxkamadda sarre, waxaanay tilmaameen inaanay aqbalayn isku shaandhaynta uu sameeyey guddoomiyahoodu, iyadoo ay markii hore Madaxtooyaddu daba ka riixay inay gilgilaan Kursiga Guddoomiyaha Wakiillada, hase yeeshee arrimuhu waxay is badaleen, kadib markii uu kulan dhex-maray Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha wakiillada, iyadoo halkaas lagu heshiiyey, isla markaanawax badan oo ay kala tirsanayeen lagu dhameeyey

Labadan Gudoomiye ku xigeen ee ay madaxtooyadu ka irdhaysay Golohoodii ayaa banaanka soo dhigay in u jeedadda ay uga soo horjeedaan Go`aamada Golaha uu yahay inuu Guddoomiye Cirro uu yahay Guddoomiye hogaamiya Xisbi Mucaarid, waxa ay sheegeen in uu Xafiiskiisa Golaha kula kulmayo Masuuliyiin ka tirsan Xisbigiisa Wadani.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad Baashe Maxamed Faarax oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaanay ku qanacsanayn Ajandaha kalfadhiga 23aad ee Maanta aqlabiyadda lagu ansixiyey, waxaanay tilmaamay inuu ajandahaas soo samaystay Guddoomiyaha golahaasi Md Cirro, hase yeeshee waxa uu daboolka ka qaaday inay Maalinta beriya Golaha hor gayn doonaan Ajande cusub oo ay iyagu (Labada Guddoomiye xigeen), wataan, waxaanu sheegay inaanay ku qanacsanayn codayntii Mudaneyaasha wakiilladu sameeyeen.

si kastaba arrumhu ha ahaadeenne maalmaha soo socda ayaa la eegi doonaa halka uu khilaafkaasi sal dhigto, iyadoo la-taliyaha dhinaca sharciyadda ee Wakiilladu uu talaabadaas Guddoomiyaha ku tilmaamay mid sharciyada ku taagan.

wajaalenews.com

hargeisa office

 email;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version