WAJAALE NEWS

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Fariina U Diray Qurbe Jooga Reer Somaliland

Hargaysa(Wajaale News):-Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu ka soo kicitimay dalka Ingiriiska oo ku dhawaad bil ku maqnaa. Qoraal kooban oo uu ku baahiyay boga uu ku leeyahay Internetka ayaa waxa uu ku yidhi

Waxaa laga jooga muddo bil ku siman ka dib markaan dalka dibadiisa ugu baxay Waxbarasho iyo dardar galin Jaaliyada reer Somaliland ee ku nool qurbaha taas oo ku aadan hirgalinta Jidka isku Xidhi doona Burco iyo Ceerigaabo.Waxaan kala Soo Kulmay Qalbi Wanaag, Qiiro Muwaadinimo iyo Gacan Irmaan, dhamaantood waxay cod dheer ku sheegeen in ay cashar ka barteen dalalka horumaray ee ay ku dhex nool yihiin, waxaan isla garanay in safar kasta oo dheer talaabo kaliya ka unkamay. Dawladeena Somaliland waa dal iyo dad isku tashaday waa dad fahmay in aanay jirin cid gacan lagu Rimin Karo balse duco iyo dedaal is huwan guusha iyo horumarku ku jiro. Shacabka Xariirta ah ee reer Somaliland waa Cashar nool oo Caalamka Baraya qiimaha dadka isku tashada ay leeyihiin, iyaga oo aan Caalamka ka helin Deeq iyo dayn toona ayey dhisteen dal iyo dawlad dhamaystiran!,?ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirku waxa uu sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay si weyn isu barbar taagayso deegaan kasta oo ka shaqaynaya horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, waxaanu yidhi ?Waa hubaal oo jidad badan ayaa ka socda dalka goboladiisa iyo degmooyinkiisa kala duwan, waxaan uugu bushaaraynayaa cid kasta oo wanaaga jecel in Xukuumada maanta talada dalka haysaa ay ka go?an tahay in ay is barbar taagto garab buuxana ka siiso cid walba oo ku hawlan hirgalinta Waddooyinka iyo guud ahaanba horumarka wajiyadiisa kala duwan. Waxaan Cadaynayaa in aanay jirin jid ama Waddo mid kale lagu gawracayo ama loo joojinayo ee yaanay dhicin in warxumo tashiil qalbigiina raadeeyo,

yaanay dhicin in qof xasad ah bulshadeena isku duuban ku dhex abuuro tartan aan caafimaad qabin iyo naxli, yaanay dhicin in uu ku idhaa Walaalka yuuna jid helin ee kaaga uun hel. Waxaan idinku dardaaraya in xaaladeenu noqoto oo aad guusha walaalka u aragto guushaada , shilinkaagana aad ku bixiso qalbi fiican, oo aad ogaato halkii aad ku bixisaba in ay dalkeenii uun tahay Allena Insha Allah Ajar kaaga qorayo.

Guud ahaan waan idiinka mahadcelinayaa qalbiga fiican ee aad igu qaabisheen iyo ducadiinii joogtada ahayd . Somaliland Guul iyo Gobonimo. Wa Bilaahi Tawfiiq,ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Wasiirka Madaxtooyaddu.

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version