WAJAALE NEWS

Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Maanta Dhagax Dhigay Dhisme Cusub Oo Lagu Soo Kordhinayo Terminalka Garoonka Diyaaradaha Ee Caasimada Hargeysa.

Hargeysa(Wajaale News):-wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu soo kordhinayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay dhagax dhiga dhismahan cusub ee lagu soo kordhiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay  inay dhismahani noqonayo balaadhintii afaraad ee lagu sameeyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa waxaanu yidhi ? maanta waxaanu dhagax dhigaynaa

balaadhin lagu samaynayo terminalka garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, intii ay xukuumada Kulmiye talada dalka haysay waa balaadhintii afaraad ee lagu sameeyey terminalkan, ujeedada loo balaadhinayo waxa weeye in la kordhiyo xadiga dadka ka dhoofaya  madaarka ee fadhiisanaya ama ku nasanaya garoonka, taasina waxay ka markhaati kacaysaa inuu kordhayo dhaq dhaqaaqa  duulimaadyada ee garoonka caasimada kaas oo wakhtiyadii hore ay ka dhoofi jireen sanadkii 90,000  maantana qorshaha qiyaastayada uu gaadhi doono dad aan ka yarayn nus malyuun,? ayuu yidhi wasiirka duulista iyo hawada Somaliland.

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland waxa uu sheegay inay dhismahan iska kaashanayaan wasaarada duulista iyo qaar ka mid ah shirkadaha diyaarada  waxaanu yidhi ?balaadhintani waxay noqon doontaa in kordhinayo dhismaha terminalka,waxaanu filaynaa inay korodhiiismadaasi qaadi doonto 100 qof anaga oo rajaynayna in terminalku uu noqon doono mid qaada dhaw boqol oo qof, waxaanu u sahaminaynaa inaanu culaysyadaa ku jabino iyada oo maalinba maalinta ka danbaysa uu kordhayo duulimaadyada garoonka caasimada, dhismahana waxa iska kaashanaya wasaarada duulista iyo shirkadaha diyaaradaha ee Juba,Daallo iyo Afrika.? Ayuu yidhi wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland.

 

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version