WAJAALE NEWS

Wasiirada Wasaaradaha Ganacsiga Iyo Qorshaynta Oo Hargaysa Ka Furay Shir Hawleed Ku Saabsan Xeerka Maal-gashiga.

Hargaysa(WJN):- Wasiirka wasaaradda ganacsiga ee JSL Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo uu wehelinayo Wasiirka wasaradda Qorsheynta Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta furay.

Hargaysa(Wajaale-News):- Wasiirka wasaaradda ganacsiga ee JSL Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo uu wehelinayo Wasiirka wasaradda Qorsheynta Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta furay shir hawleed ku saabsan  xeerka maalgashiga Caalamiga ah iyo diiwaangelinta shirkadaha ganacsi ee dalka.

Shirkaas oo soconaya mudo hal maalin ah oo ku qabsoomay Hotel maansoor ee Magalada hargaysa  ayaa waxaa ka soo qayb galay xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada saraakiil ka kala socday Baanka adduunka iyo xafiiska Xeer ilaaliyaha guud, ganacsato iyo hawlwadeeno ka

socda waaxda maalgashiga ee Wasaradda ganacsiga somaliland.

 

Wasiirka wasaaradda ganacsiga ee JSL Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo furitaankii shir hawleedkaasi ka hadlayey ayaa sheegay  in ujeedada laga leeyahay kulankani ay tahay sidii loo lafo guri lahaa dood sharciyeed  gundhig u ah xeer ay  yeelato xarun dhexe oo laga diiwaangeliyo shirkadaha ganacsi iyo maalgashiga dalku, taasoo yagleelideedu ay ka dambaysay markii la dhegaystay talooyin badan oo qaranku yeeshay iyo kuwo ay ku darsadeen hay?adaha caalamiga ah sida Bankiga Adduunka.

 

Wasiirka wasaradda Qorsheynta Dr Sacad Cali Shire oo isna munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in macnaha kelmada Horumarku yahay in bulshadu is abaabusho, wada tashato oo hadaf qudha ay wada tiigsadaan, ka dibna ay ka faa?iidaystaan kheyraadkooda dabiiciga ah, Somaliland-na ay maanta u taallo inay bilaabaan talaabooyinkan.

 

Md Najiib Xasan Xaashi Madaxa baanka adduunka ee Somaliland ayaa isna halkaasi ka hadlay waxana uu sheegay inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan somaliland, halka sidoo kalena uu tilmaamay in xeerkan cusub ee la falanqaynayo lagu soo kordhiyey xeerarka caalamiga ah qaarkood.

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version