WAJAALE NEWS

Warshada Sharaabka Ee SBI Oo Qaaday Talaabo Lagu Dhiiri Gelinayo Wax Soo Saarka Dalka, Deeq Dhirta Saytuunka Ahna U Qaybisay Beeralayda Deegaanka Dhaboolaq Ee Degmada Fara Wayne+Daawo Sawirada

anaga oo ah warshada sharaabka ee SBI waxaanu halkan u nimid inaanu hir gelino mashruuc ah beerista dhirta saytuunka aanu rajaynayno in sanadaha soo socda ay warshadu bilaabi doonot inay soo saarto sharaab cabitaan ah oo ka kooban saytuunkaas, waxaana loo baahan doonaa midho fara badan…Mustafe Cismaan Geele

Hargeysa(WajaaleNews):-warshada sharaabka ee Somaliland Beverage Industries(SBI) ayaa maanta deeq dhir ah gaadhsiisay deegaanka dhaboolaq oo ka tirsan degmada Fara Wayne.

Dhirtan oo ah Saytuun ayey tiradoodu dhan tahay 2050 geed taas oo loo qaybin doono 22 beerood kuwaas oo beeri doono dhirtan.

Maamulaha guud ee warshada sharaabka ee SBI Mustafe Cismaan

 

Geele oo deeqdan gaadhsiisay beeralayda deegaanka Dhaboolaq ee degmada  Fara Wayne ayaa waxa uu sheegay inay dhirtani qayb ka tahay hir gelinta mashruuc kor loogu qaadayo wax soo saarka dalka  isaga oo tilmaamay inay warshada sharaabka ee SBI ay dhawaan soo saari doonto sharaabka Saytuunka waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ?waxaan u mahad naqayaa odoyaasha iyo beeralayda deegaanka Dhaboola, anaga oo ah warshada sharaabka ee SBI waxaanu halkan u nimid inaanu hir gelino mashruuc ah beerista dhirta saytuunka aanu rajaynayno in sanadaha soo socda ay warshadu bilaabi doonot inay soo saarto sharaab cabitaan ah  oo ka kooban saytuunkaas, waxaana loo baahan doonaa midho fara badan oo laga sameeyo sharaabkaas, markaa waxaanu doorbidnay in dalka wax soo saarkiisa aanu la kaashano  beeralayda dalka si way iskugu xidhmaan warshada iyo beeralaydu oo halkii aanu midhaha ka keeni lahayn wadamada debada in dalka laga beero ka dibna ay warshadu isticmaasho.?

Maamulaha guud ee warshada sharaabka ee SBI oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey ?markaa waxaanu maanta halkan  keenay 2050 geed oo saytuun ah oo aanu ilaa lix bilood  aanu ku xanaanaynayn warshada Jaleelo, markaa waxaanu doonaynaa inaanu beeralayda dalka oo dhan ay nala wadaagaan wax soo saarka dalka, waxaanu ka bilaabnay deegaanka Dhaboolaq oo ka tirsan degmada Fara Wayne, dhirtaasna waxa wajiga hore loo qaybin doono 22 beeralay ah waxaanu rajaynaynaa inay si balaadhato  oo ay dalka oo dhan wada gaadho iyada oo loo soo jeedsanayo dhinaca wax soo saarka.?

Ugu danbayntiina maamulaha guud ee warshada sharaabka SBI Mustafe Cismaan Geele waxa uu sheegay inay dhirtan gaadhsiin doonaan dalka, waxaanu carabka ku dhuftay inay warshadu iyada oo tix gelinaysa wax soo saarka dalka ay beeralayda ka iibsan doonto midhaha ka soo go?a beeraha saytuunka waxaanu yidhi ?marka hore shirkad ahaan waxaanu nin walba ku caawin doonaa dhirtan nin walba inta taagiisa ah ka dibna waxaanu galaynaa heshiis ah in marka  ay dhirtani midho dhasho ay warshada sharaabku ka iibsato qiimo la mid ah ka ay suuqa kaga iibinayeen, caalamkuna waxa uu ku xidhan yahay oo laf dhabar u ah wax soo saark, wax soo saarka dalkeenuna haddii aanu haysan warshado ka faa,iidaysta oo isticmaala wax soo saarka beera aanu lahayn khasaare ayuu ku danbeeyaa oo suura gal maaha in waxa beeeraha ka soo go,a lagu iibsado suuqa, waxaana muhiim ah in la helo warshado iibsada wax soo saarka dalka, waxaanu jecelnahay inaanu kaalintaas buuxino oo aanu dalka iyo dadkaba uga faa,iidayno.?ayuu yidhi maamulaha guud ee warshada sharaabka ee SBI Mustafe Cismaan Geele.

 

Sidoo kale Axmed Cabdi Nuur oo ka mid ah beeralayda deegaanka Dhaboolaq ee degmada Fara Wayne oo isaguna dhinaciisa ka hadlay deeqdan dhirta ah ee ay soo gaadhsiiyeen maamulka warshada sharaabka ee SBI ayaa waxa uu  sheegay inay deeqdani ka qayb qaadan doonto inay kor u qaadaan wax soo saarkooda waxaanu yidhi ?marka hore waxaanu u mahad naqaynaa warshada SBI oo maanta halkan nagu soo gaadhsiisay 2050 geed haddii aanu nahay dadka beeralayda ah ee reer Dhaboolaq, runtiina waa deeq aad u wanaagsan  waa deeqdii ugu horaysay ee nooga timaada shirkad wadaniya anaguna waxaanu balan qaadaynaa inaanu kordhin doono wax soo saarkayaga anaga oo si dhab ah u xanaanayn doono dhirtan.?

Sidoo kale Cabdilaahi Shaqale Cismaan oo isaguna ka mid ah dadka beeralayda ah ee deegaanka Dhaboolaq oo isaguna ka hadlay deeqdan dhirta ah ee ay soo gaadhsiisay warshada sharaabka ee SBI ayaa waxa uu sheegay inay ku dedaali doonaan sidii ay dhirtan u xanaanayn lahaayeen isla markaana ay wax soo saarkooda kor ugu  qaadi lahayeen.

 

 

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version