WAJAALE NEWS

Warsaxaafadeed ka soo baxay labada Xisbi-Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ee dalka Marayakanka oo ay si wada jira ugu saxeexanyihiin labada Gudoomiye: Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani USA Marwo Muna Cali Fidhin iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee US

Hargaysa(Wajaale News):-Warsaxaafadeed ka soo baxay labada Xisbi-Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ee dalka Marayakanka oo ay si wada jira ugu saxeexanyihiin labada Gudoomiye: Gudoomiyaha  Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani USA Marwo Muna Cali Fidhin iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee USA, Mudane Xasan Yoonis C/laahi

Minneapolis, MN USA: Kulan ay ku kulmeen madaxda labada Xisbi qaran ee mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ee dalkan Maraykanka oo ay hogaminayeen labada Gudoomiye ee labada xisbi, Gudoomiyaha Xisbiga mucaradka ah ee WADDANI, Marwo Muna Cali Fidhin iyo Gudoomiyaha Xisbiga mucaradka ah ee UCID, Mudane Xasan Yoonis C/lahi, oo ay goob joog ka ahaayeen Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Xisbiga UCID, Mudane Yusuf Budle iyo Xidhiidhiyaha Guud ee North America ee Xisbiga WADDANI, Mudane Saleban Ali Bile iyo Xubno kale oo badan ayaa waxay ku muujiyeen taageerada buuxda  ee ay u hayaan SHIRKA DOOD QARAN ee ay ku dhawaaqeen labada Gudoomiye ee labada Xisbi qaran; Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe iyo Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxman Cabdillahi (Cirro)

Gudoomiyayaasha labada Xisbi qaran ee dalkan Maraykanka ayaa sheegay in “SHIRKA DOODA QARAN”  lagu soo qaadi doono oo lagu lafa guri doono arrimo badan oo qarankeena u dan ah, sida, doorashooyinka Somaliland ee is dul fuulay (Doorashada Golaha Wakiilada iyo Doorasaha Golaha Guurtida iyo weliba Diiwaan Gelinta Doorashooyinka ee ilaa hada anay waxba ka qaban xukuumada uu hogaminayo Madaxweyne Silanyo.

Dhanka kalena waxa ay labada gudoomiye uga digeen xukuumada uu hogaaminayo Madaxwayne Silanyo in ay joojiso farogelinta ay ku hayso SHIRKA DOOD QARAN, kana waantobaan awooda ay sida qaldan u isticmaalayaan iyo hanjabaada iyo cago-juglayta ay ku hayaan muwadiliinta reer Somaliland.

Waxa kale oo ay madaxda labada Xisbi qaran ee UCID iyo WADANI ee dalkan Maraykanku si wada jir ah isula qaateen in ay sameeyaan gudi ka shaqaysa sidii loo bilaabi lahaa diiwan-gelinta xubnaha uga qayb gelidoona dalkan USA Shirka Dooda Qaran.

Ugu dambayntii waxay ugu baqayeen dhamaan umadda reer Somaliland in ay ilaashadaan nabad gelyadooda, dhana uga soo wada jeestaan cadawga Somaliland.

Wabilahi tawfiiq

Afhayeenka Xisbiga Wadani ee USA: Mahamed-Nasir M Dhoore.

Xoghaya Arimaha Dibeda ee Xisbiga Ucid: Yusuf Budle

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

min/post-new.php

Exit mobile version