Muqdisho(Wajaale News):- Dab xooggan ayaa ka kacay Geerash weyn oo lagu iibiyo gaadiidka iyo shidaalka oo ku yaalla isgoyska lambar afar ee magaalada Muqdisho.
Dabkan xoogan ee ka kacay goobtan ganacsi ayaa sababay dhawaca afar qof oo rayid ah oo mid ka mid ahi yahay shaqaalaha Dab Damiska .
Dhinaca kale dabkan ayaa ku fiday goobo kale oo ganacsi oo ka ag dhawaa goobtaasi gubatay sida uu hadhwanaagnews u xaqiijiyey Wariye Maxamed
Bishaar oo ku sugan Muqdisho .
Geerashkan gubtay ayaa ahaa goob lagu iibiyo gaadiidka cusub iyo shiidaalka iyadoo dhamaanba uu shuf belay shiidaalkii halkaasi yaalay halka sidoo kale khasaare ba,ani soo gaadhay gaadiidkii geerashkaasi ku xaraysnayd .
Isgoyska Lambar Afar oo ah meel aad u mashquul badan ayaa waxaa ku yaalla goobo ganacsi oo fara badan, iyadoo goobta ay ku soo urureen markii dabkaasi kacay dadweyne aad u fara badan oo qaarkood dabka la dagaalamayey iyadoo goobaha ganacsiga ee halkaas ku dhow dadku ay kala baxayeen hantidii ka taalay.
Dabkani markii uu kacay ayaa waxa u soo gurmaday ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah dab damisyada gaarka loo leeyahay ee magaaladaasi jooga .
Wajaale News
Hargaysa Office
Info;wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane