Hargaysa(Wajaale News):-Waxaa baryahandanbe KU soo badanaya dalkeena ardayda jaamacadaha dhigataa , kuwii hore uga baxay iyo kuwa hada ku jiiraabaa inay aad u hadal hayaan shaqo iyaga oo meelo badan ku soo bandhigay markaana cabasho xoogan kamuu jiyay tacliinta ay baranayaan inaanay qiimo balaadhan ugu fadhiyin maadama aanay waxba ku qabsan karayan ama aanay ku hawl gali karaynin waxa ku habsatay dhalinyarada somaland shaqo la’aan ay aad udareemayaaan, bilihii ugu daanbeeyay waxa jaamacadaha dalka ka soo baxaayay dhawar dufcadood oo isku xig xigta taasoy kaqalin jabinaysay dhalin yaro aad ubadan waana sanadkii ugu horeeyaya ee aradayda intaa leegi ka qali jabiyaan jaamacadaha dalka somaliland isagoo madax wayna somaliland uu hadaladii uu halkaa ka jeediyay uu ugu balanqaaday inuu shaqo u abuuri doono markaad sidaa aad u eegto dufcada ugu barashada badan ee aybaartaan dhalin yaradeenu waa dhaqaalha.
su aasha iswaydiinta leh la iswaydiinkaraa waxay tahay maadaama ay dhalinyardeenii ay baranayaan dhaqaalaha wax maku qaban karaan ?maah maah somaliyeedbaa” tiraahda timirtii horaba dab loowaa” immisaa cilmiga dhaqaalaha ka soo qalinjabiyay oo mastar iyo digrii kahaysa xukuumad walba oo dalka soo martaa waxay ay dhalin yarada u balan qaadaa inay wax kaqaban doonaanshaqo la’aanta laakiiin taasi waxay noqotay hal kudhig uu isticmaalo musharax waliba isla marka uu jagada ku guulaysto aanu dib usoo jaleecin taasi waa dhibta balaadhan ee dhalin yarada haysata ee marka danbe niyo jabka ku keenta tusaale ahaan xukuumada imika talda haysaa markay mucaaradka ahayd waxay ololihii ugu balaadhnaa ku gashay inay wax uqaban doonto haweenka iyo dhalin yarad oo runtii ah lafdhabarta bulshadeena ama aan nidhaahnee halbawlaha dalka intii ugubalaadh nayd ee codka siisay waxay ahayd dhalinyaradaa ama dayartaa soo koraysa ee maskaxda lagag ciyaarayo marka waxloo bahdanyahay ilagu danysanayoo isla markaana la iska ilaawayo waxaynu maanta indhaheena ku aragnaa inaan midkoodna waxba loo qaban”
waxaad arkaysaa aqoon yahanadii ama dhalin yardii aqoonta lahayd ee dalkeenu inay maanta gidaar walba iiyo makhaayadaha shaah iyo sheeko lawada fadhiyaan waxay marayaan meel ama xaalad aad looga niyo jabo dhalin yaradii wax lasoo baraayay mudada dheer ee lug tab cayay dalkeena markaad maanta sidaa u eegto waxay u qayb sameen saddex; 1: kuwa iyagu garaabo ku jeeda {QAAD}oo wakhtigiiba fadhi iyo khiyaali kaga lu may oon ujeedin waxbarasho iyo tahriiba iyo waxay kashqeeyaanba 2:,kuwo aykaga dhagtay tahriibi inkastoo ay badan koodu tahriibeen ama donaya inay tahriibaan iyo 3: kuwa waxbaranaya oo markay dhameeyaan sugaya shaqo inay helaan oo ay kashaqeeyaan meelo sar sar, sikastaba ha ahaatee wax mararka qaarkood dhacda in marka ay arkaan shaqoooyin banaan inay codsi u xaraystaan iyagoo gaynaya meeshaas shaqo looga baahan yahay ee laga baahiyay iyagoo niyada ku haya oo isle waad qaban karataan nasiib daro waxdhacda inay kala kulmaan waxaanay kafilaynin maadama lagu soon qanciyo waxa shaqadani ku haboontahay qof { mastara} xataa waxdhacda mararka qaarna in meelaha qaar la iska geeyo kuwo aan waxba islahayninoo lagu geeyo waa ina hebal amaba waji iyo qabiilaysiba oon wax qanoonan isla haynin , kuwii shaqada ku haboonaa ee Aqoonta lahaa maxaad ka filaysaa AKHRISTE fikirkaaga markkaad sidaas u eegto maxaa ku dhacaya ?
Waxa uu dhawaan uu magacaaabay madaxweynaha jamhuuriyada somaliland mudane Axmed maxame maxamuud {siiraanyo} gudi kahortagta dhibaatada tahriibta iyo shaqona u abuurto oo uu gudoomiyena uu uga dhigay wasiirka shaqad iyo arimaha bulshada maxamuud Axmed Bare Garaad gudidaas heerqaran oo ka koobnayd ilaa side xubnod gudidaasi sidaad lasocotaanba i wax muuqta oo la odhan karo waxbay qabatay majirto intay soo fadhiistaan warbaahinta ayay yidhaahddaan Ama aykasooo jeediyaan ” manta waxaaa noo farxada inaan dalkooda hooyo ku soo celinay intaas oo dhalin yaro oo iskugu jirto nimo iyo hablo oo aanu kazoo qabanay xuduudka u dhaxeeya somalilnd iyo itoobiya” hasoo caliyaanbe dhalin yarda maxay u hayaan ama ku joogaanbaa ayaa is waydiinleh dalka waxjira waxyaabo badan ooo ayqaban karaan dhalinyaradaasi lakiinse waxaa ladoonayaa in lafangareeyo oo kharsh lagu bixiyo oo ladhiiri galiyo dhalin yaradaasi wax walba uu qabtaan oo ay dalkooda hooyo u joogaan.
Guntii iyo gabagabadii waxaan leeyahay dhalinyarada ama dayarta soo koraysa ka faa idaysta wakhtigiina una samra waad heli doontaan shaqo iyo wax kafiicanba maahmaah soomaaliyeed baatiraahda “samara sadkii helaa “ sidoo kale dawlada iyo iyo ururka khahortaga Aafada tahriibta iyo shaqo abuurka iyo wixii wax uqabanaya dhalinyarada waxaa iyagan looga baahan yahay kaalintooda waxqabad in ay gacanta saran oo waxan balqaada ee ay balanqaadayaan wakhtigiibaaba ka dhecee wax qabta horaa loo yidhi “wakhtigu intaanu ku jarin baa lajaraa “
QORE :xuseen siyaad cilmi ( caaqilka )
Peac143@hotmail.com
Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane