Talaw Maxaa Kala Haysta Shaqo La’aanta Dhalinyarada Haysata Iyo Ardayda jaamacadah Ka Soobaxaysa? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Talaw Maxaa Kala Haysta Shaqo La’aanta Dhalinyarada Haysata Iyo Ardayda jaamacadah Ka Soobaxaysa?
November 22, 2013 - Written by Wariye:

qalinHargaysa(Wajaale News):-Waxaa baryahandanbe KU  soo badanaya dalkeena   ardayda jaamacadaha dhigataa , kuwii hore uga baxay iyo kuwa hada ku jiiraabaa inay aad  u hadal hayaan shaqo  iyaga oo meelo badan ku soo bandhigay markaana cabasho xoogan kamuu jiyay  tacliinta ay baranayaan inaanay qiimo balaadhan ugu fadhiyin maadama aanay waxba ku qabsan karayan ama aanay ku hawl gali karaynin  waxa ku habsatay  dhalinyarada somaland shaqo la’aan ay aad udareemayaaan, bilihii ugu daanbeeyay waxa jaamacadaha dalka ka soo baxaayay dhawar dufcadood  oo isku xig xigta taasoy kaqalin jabinaysay dhalin yaro aad ubadan waana sanadkii ugu horeeyaya  ee aradayda intaa leegi ka qali jabiyaan  jaamacadaha dalka somaliland isagoo madax wayna somaliland uu hadaladii uu halkaa ka jeediyay uu ugu balanqaaday inuu shaqo u abuuri doono   markaad sidaa aad u eegto dufcada ugu barashada  badan ee aybaartaan dhalin yaradeenu waa dhaqaalha.
 su aasha iswaydiinta leh la iswaydiinkaraa waxay tahay maadaama ay dhalinyardeenii ay baranayaan  dhaqaalaha wax maku qaban karaan ?maah maah somaliyeedbaa” tiraahda timirtii horaba dab loowaa” immisaa cilmiga dhaqaalaha ka soo qalinjabiyay oo mastar iyo digrii kahaysa   xukuumad walba oo dalka soo martaa waxay  ay dhalin yarada u balan qaadaa inay wax kaqaban doonaanshaqo la’aanta  laakiiin taasi waxay noqotay hal kudhig  uu isticmaalo musharax waliba isla marka uu jagada ku guulaysto aanu dib usoo jaleecin  taasi waa dhibta balaadhan ee dhalin yarada haysata ee marka danbe niyo jabka ku keenta  tusaale ahaan xukuumada imika talda haysaa markay mucaaradka ahayd  waxay ololihii ugu balaadhnaa ku gashay inay wax uqaban doonto  haweenka iyo dhalin yarad  oo runtii ah lafdhabarta bulshadeena  ama aan nidhaahnee halbawlaha dalka intii ugubalaadh nayd ee codka siisay waxay ahayd dhalinyaradaa ama dayartaa soo koraysa ee maskaxda lagag ciyaarayo marka waxloo bahdanyahay   ilagu danysanayoo isla markaana la iska ilaawayo   waxaynu maanta indhaheena ku  aragnaa inaan midkoodna waxba loo qaban”
 waxaad arkaysaa aqoon yahanadii ama dhalin yardii  aqoonta lahayd ee dalkeenu inay maanta gidaar walba iiyo makhaayadaha shaah iyo sheeko lawada fadhiyaan  waxay marayaan meel ama xaalad  aad looga niyo jabo  dhalin yaradii wax lasoo baraayay mudada dheer ee lug tab cayay dalkeena markaad maanta sidaa u eegto  waxay u qayb sameen saddex;    1: kuwa iyagu garaabo ku jeeda {QAAD}oo wakhtigiiba fadhi  iyo khiyaali kaga lu may oon ujeedin waxbarasho iyo tahriiba iyo waxay kashqeeyaanba  2:,kuwo aykaga dhagtay tahriibi inkastoo ay badan koodu tahriibeen ama donaya inay tahriibaan iyo 3: kuwa  waxbaranaya  oo markay dhameeyaan sugaya shaqo inay helaan oo ay kashaqeeyaan meelo sar sar, sikastaba ha ahaatee wax mararka qaarkood dhacda  in marka ay arkaan shaqoooyin banaan inay codsi u xaraystaan  iyagoo gaynaya  meeshaas shaqo looga baahan yahay ee laga baahiyay   iyagoo niyada ku haya  oo  isle waad qaban karataan  nasiib daro waxdhacda inay kala kulmaan waxaanay kafilaynin maadama lagu soon qanciyo waxa shaqadani ku haboontahay qof                 { mastara} xataa waxdhacda mararka qaarna in meelaha qaar la iska geeyo kuwo aan  waxba  islahayninoo lagu  geeyo  waa ina hebal amaba  waji  iyo qabiilaysiba  oon wax qanoonan isla haynin , kuwii  shaqada ku haboonaa  ee Aqoonta  lahaa  maxaad ka filaysaa AKHRISTE fikirkaaga markkaad sidaas u eegto  maxaa ku dhacaya ?
  Waxa  uu  dhawaan uu magacaaabay madaxweynaha  jamhuuriyada somaliland  mudane Axmed maxame maxamuud {siiraanyo} gudi kahortagta dhibaatada tahriibta iyo shaqona u abuurto oo uu gudoomiyena uu   uga dhigay  wasiirka shaqad iyo arimaha bulshada  maxamuud  Axmed  Bare Garaad  gudidaas heerqaran oo ka koobnayd ilaa side xubnod  gudidaasi  sidaad lasocotaanba i wax muuqta oo la odhan karo waxbay qabatay   majirto  intay soo fadhiistaan warbaahinta  ayay yidhaahddaan Ama aykasooo jeediyaan ” manta waxaaa noo farxada inaan dalkooda hooyo ku soo celinay  intaas oo dhalin yaro oo iskugu jirto nimo iyo hablo  oo aanu kazoo qabanay   xuduudka u dhaxeeya  somalilnd   iyo itoobiya”  hasoo caliyaanbe  dhalin yarda maxay u hayaan ama ku joogaanbaa ayaa is waydiinleh  dalka waxjira waxyaabo badan ooo ayqaban karaan dhalinyaradaasi  lakiinse waxaa ladoonayaa in lafangareeyo  oo kharsh lagu bixiyo oo ladhiiri galiyo dhalin yaradaasi wax walba uu qabtaan  oo ay dalkooda  hooyo u joogaan.
   Guntii iyo gabagabadii waxaan leeyahay dhalinyarada ama dayarta soo koraysa  ka faa idaysta wakhtigiina una samra waad heli doontaan shaqo iyo wax kafiicanba maahmaah soomaaliyeed baatiraahda “samara sadkii helaa “ sidoo kale dawlada iyo iyo ururka khahortaga Aafada  tahriibta iyo shaqo abuurka iyo wixii wax uqabanaya  dhalinyarada   waxaa iyagan looga baahan yahay kaalintooda waxqabad in ay gacanta saran  oo waxan balqaada ee ay balanqaadayaan  wakhtigiibaaba ka dhecee  wax qabta   horaa loo yidhi “wakhtigu intaanu ku jarin baa lajaraa “

QORE :xuseen siyaad cilmi ( caaqilka )
Peac143@hotmail.com

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS