WAJAALE NEWS

Siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga iyo toosinta qaranka Oo Bulshada U Iftiimiyay dhaliilaha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

waxa uu nasiib daro ku tilmaamay in xukuumada kulmiye ay guul uhaysato hooga ay maanta galisay dalkii iyo dhibaatada ka taagan maanta waxa uu madaxwaynaha somaliland ku edeeyey inuu safiirkii turiga uqaabilsanaa somaliya uu ku qaabilay qasriga madaxtooyada

Hargasya(WAJAALENEWS):-Siyaasiyiinta ku bahoobay madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka somaliland ayaa maanta shirjaraa?iid oo ay ku qabteen magaalada Hargaysa eedayn dusha uga tuuray xukuumada talada dalka hayse ee kulmiye taas oo ay ku edeyeen in ay tahay xukuumada garmo qaate ah.

 

Waxa kale oo ay shegeen in xukuumada kulmiye iyo xisbiga mucaaradka ah ee ucid ay qabteen talo qaran taas oo ay sheegay in madaxwayne siilaanyo haday qaadan waydo talada qaran ee ay wadaan  labada xisbi mucaarad

ee ucid iyo kulmiye oo xilgaas ahaa mucaarad iyaguna aanay aqoonsandoonin dawlada talada dalka hayse ee udub.

Ugu horen shirkaasi jaraa,iid waxa ka hadlay Eng maxamed xaashi Cilmi waxaana uu yidhi?baarlamanka xukuumada iyo garsoorka waa saddex Dhadhaar oo isku dheeli tiran in shuruudooda midna mida kale faro galiso maaha lakiin waxaad moodaysaa in xukuumadu gacan haadis iyo uyeedh yeedha wado oo ah dhibaato wayn oo ay ku hayso golaha baarlamaanka markaas dawlada waxaan usoo jeedinayaa in ay ku ee kaato dawlada ay masuulka ka tahay oo kaliya?

Dhanka kale waxa uu sheegay inuu baarlamaanku uqaybsamo golaha guurtida iyo golaha wakiilada waxaana uu yidhi?golaha guurtidu waxa ay uqaabilsantay nabadaynta dhexe dhexaadinta iyo  wixii khilaaf ah ayey uqaabilsantay,guurtidu markaan ku leeyahay waa waxa jamac ah oo ay go,aan kusoo gadhaan am ay ka doodaan ayaa guddoomiyuhu ka hadli karaa lakiin maaha in guddoomiyaha golaha guurtidu inta uu tuurta urito yidhaaho waxaan kala badbaadinayaa xisbiga kulmiye lakiin intii kala ee golaha guurtida kala tirsanayd xil ay la wadaagaan maaha guddoomiyahana waxa ay tahay xil isga loo soo dhiibay oo aan lalasoo wadaagin ay tahay oo reernimo daarantahay lakiin waxa ka wanaagsanaan lahayd iyada oo golaha lagaga doodo  oo layidhaa arintaas ku korodhay xisbiga kulmiye maxaynu ka yeelnaa.

 

Waxa kale oo uu sheegay Eg Maxamed Xaashi in guddoomiyaha golaha guurtida somaliland uu arin reernimo ah udhexe galay xisbiga kulmiye kaas oo dhinac la jira waxaan uu yidhi?markaas waxaanu leenahay guddoomiyaha golaha guurtida arin aan u eekayn arin dhexe dhexaadin ah ayaa uu meesha ugalay oo aan waliba qaban wixii danbana waxaanu leenahay ha ku ee kaado xilka ay golaha guurtidu leedahay.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay maxamed xaashi xubna xukuumada ku jiray oo uu sheegay inay  u ordayaan sidii ay uraali galin lahaayeen madaxwayne siilaanyo waxaana uu yidhi?waxa jira xukuumada qudheedu waxaad moodaa in ay baratan ugu jiraan side madaxwayne siilaanyo uraali galisaa taas oo ay orad dheer ugu jiraa waxaan ka mid ah waxa layidhi wadatashi iyo toosin ayey canbareyeen halkaas ayey ka bilaabeen wasiirkii arimaha gudaha somaliland cali maxamed waran cade oo mansab wayn uhaya dalka waxa uu usoo jeediyey raga ku jira xisbiyada mucaaradka ah oo xamar lacag lagasiiyo taasin waa arin wayn oo ceeb ah oo aan maanta laga filayn inuu ku hadlo masuul qaranka xil uhaya taasna waxa kasii daran inuu waxa cadayn ah uhayn wasiira waran cade hadalka sida dhibta yara uga soo yeedhay.

Dhanka kale waxa uu usoo jeediyey madaxwayne siilaanyo inuu wasaaradihiisa kaantaroolo si aanay ugu dhicin booraan waxaana uu yidhi?madaxwayne siilaanyo waxaanu ku leenahay wasaaradaha xakamee oo waxa ay daw-uleeyihii tus hadii kale waxa ay maridoonaa meelo aan haboonayn.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay mujaahid xasan ciise jaamac waxaana uu yidhi?maalmahan waxaad maqlayseen in xukuumada kulmiye ay buurdheer iyo mid gaaban ufuushay sid ay ujooji lahayn talada qaran ee ay xisbiyada mucaaradka ah ku dhawaaqeen  taas waxaa ka horayse diidmo kale oo xukuumada kulmiye ay diiday in loo sheego waxa talo ahba oo ay dhagaha ka furaysatay oo ay tidhi arinkaasi waxa la qaban karo oo sharciya maaha xukuumada waxa kale oo ay aad iyo aad ula dagaalantay markii lasameeyey golaha wadashiga iyo talada qaran ahaa taas markaanu aragnay inaanay xukuumada kulmiye aanay waxa gar ah qaadanayey.

Sidoo kale waxa uu  mujaahid xasan ciise jaamac sheegay in ay ku baqeen inay qabanayaan talo qaran waxaana uu yidhi?markii aanu labaxnay  madasha wadatashiga ayaanu nidhi aanu qabano dood qaran oo umadu ha isku timaado waxa inaga khaldan iyo waxa saxan aynu ogaano oo aynu ka tashno wixii dhibaato ah ee umada haysta wixii lagu xalin karo arinkaas waa arin ay umadkasta iyo koox kasta oo isku tagtaa ay xaq uleeyihii in ay ka tashadaan dastuurka somaliland uyaalna uu dhigayo in lawada tashado.

Sidoo kale waxa uu xasan ciise jaamac sheegay in xukuumada kulmiye ay inkirtay oo dafirtay xuquuqdii qofkasta uu lahaa waxaana uu yidh?dawladu waxa ay inkirtay oo lama yeeli karo tidhi taasna waanu ka tanaasulnay oo waxaanu nidhi intii ay kuwani bad galin lahaayeen dalka kolay uma tudhayaane bal tana uga tanaasula oo waxaanu iswaydiinay maxaynu samaynaa labada xisbi mucaarad ee sharciga ku fadhiya ku wareejiya labadii xisbi mucaarad ee sharciga ahaan waatan xukuumadu sida fiinta uga qaylisay oo tidhi dadkii shicibka ahaa ee sharciga uhaysta ayey macaa udiiday arintaas waa arin aad iyo aad uxun  oo gardaro ah oo xisbiyada mucaaradka oo xaquleh inay qabtaan ayaa ay diiday waana waxa nasiib daro ah oo siilaanyo tariikhda ugashay.

Dhanka kale mujaahid xasan ciise jaamac waxa uu xukuumada ku masaalay xukuumada dhago laan ay ka muuqato waxaana uu yidhi?somalidu waxa ay tidhaa nin dhago la ayaa bari qirta inuu gardaran yahay waxa lagu yidhi inaad gardarantahay waxa uu yidhi waan arkay dadkii oodhan oo isoo wada eegaya markaas inta uu gartay ninkaas aan dhagaha qabani ayaa ay xukuumada ay maanta garan wayde  xukuumadu waxa ay isku qaldaysaa qofkasta oo muwadin ah waxa uu xaqa uleeyahay iyo waxaana uu aqa ulahayn iyo wixii xukuumada loo igmaday oo ahaa in ay mudo yara si amaano aha xilka uhayso dawladu malaha talada ee waxa talada iska leh dalka dawladuna waxa ay Iyana ku leedahay talo lakiin talada dadka in ay afka ka xidho looma baahna.

Sidoo kale waxa uu xasan ciise jaamac sheegay in sifaha lagu garto kaligii taliska ay xukuumadu ku socoto waxaana uu yidhi?sifada koobaad ee ugu daran ee lagu garto qofka galigii taliyaha ah ayaa waxa uu yahay qofka kaligii taliyaha ah marna qof ayey fadhiisataa marna waxa ay fadhiisataa koox imika kaligii taliyiih waxa ay maanta fadhidaa xukuumada kulmiye ay gondahooda talaa waa kuwaas diidana talo qaran waa arin lalayaabo weeyaan.

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay aqoonyahan Maxamed Odawaa waxaana uu yidhi?xisbiyada mucaaradka ah waxa ay lasiman yihii oo la xuquuq yihiin xisbiga talada dalka haye ee kulmiye waxa xaq uleeyihiin inta ay xukuumadu xaqa uleedahay waxa ay mudan yihiin in la qadariyo oo lasoo dhaweeyo oo waxa ay xaq uleeyihiin lasiiyo hadii taas lagu dhaqi waayo ama labaalmaro waxa imanaya in la isku dhaco qofka haduu huwan yahay astaantii maaha inuu garan waayo khaladka uu sameeyo cidii waxa usheeg tidhaadona uu afka kaga boodo.

Waxa isna halkaasi ka hadlay mujaadi cabdilaahi ibraahin xuseen (dhagowayne)waxaanu arin nasiid daro ah ku tilmaamay  oon la qaadan Karin ah in madaxwayne siilaanyo uu ku qaabilo qasriga madaxtooyada inuu ku qaabilo safiirka somaliya waxaana uu yidhi?qaranimadii umad nimadii halka ay maanta marayso waydin aragtaan taasna waxa ay kaga dareen iyaga oo doonaya in ay qariyaan wixii oo muuqda sida taas imka laga hadlayey ragay udiideen talada qaran waa ragaas waawayn ee halkaas maanta fadhiya markii iyaga loodiidayna waa kuwii naftu ka dhacsanayd magaalada hargaysa oo dhan markii ina riyaale yidhi kama soo dagi karo siilaanyo garoonka hargaysa waatii hargsay dhaqaaqday waxaan taas ku yaro kabi karaa maalina uu soodagayo cabdiraxmaan ciro hargaysa oo dhami hadhaqaaqdo Ayaan odhan lahaa ileen waan nin mucaarad ah.

Maruu ka hadlayey mujaahid dhago wayne wasiirka haysta madaarka hargaysa waxaana uu yidhi? kan yare ee madaarka hargaysa haystaa aabihii ugama dhimane waa kii lahaa meeshu waa meeshii shalay ninka uu waxaas ku lahaan waa madaxwayne waxaas yari arintaas maanta uu kula kacay Jamaal cali xuseen waxaan leeyaha umada somaliland dareen cad ha ka bixiso.

waxa uu nasiib daro ku tilmaamay in xukuumada kulmiye ay guul uhaysato hooga ay maanta galisay dalkii iyo dhibaatada ka  taagan maanta waxa uu madaxwaynaha somaliland ku edeeyey inuu safiirkii turiga uqaabilsanaa somaliya uu ku qaabilay qasriga madaxtooyada somaliland isaga oo moogan inuu yahay safiir somaliyan ah waa sida uu hadalka udhagay Mujaahid Dhagowayne.

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

 

Exit mobile version