WAJAALE NEWS

Nuxurka Kulan Dhexmaray Wasiirrada Arrimaha Debedda iyo Madaxtooyada Somaliland iyo Wasiirka UK U Qaabilsan Arimaha Afrika

Hargaysa(Wajaale News):-Nuxurka Kulan Dhexmaray Wasiirrada Arrimaha Debedda iyo Madaxtooyada Somaliland iyo  Wasiirka UK u Qaabilsan Arimaha Afrika

Nuxurka Kulan Dhexmaray Masuliyiintan ka socotay Xukuumadda Somaliland iyo Wasirka Dalka UK u qaabilsan Arrimaha Afrika Waxa si faahfaahsan uga sheekeyey warbixin laxidhiidh kulankaasna Boggiisa Facebook iyo bloggiisa gaarka ah ku qorey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Waxanay  dhignayd sidan:

“Waxaan diyaar u nahay in aan kala shaqayno Dawladda Britain arrimaha Amaanka iyo ka hortaga wax kasta oo wax u dhimaya amaanka mandaqada” Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

“Britain way xishmaynaysa xidhiidhka soo jireenka ah ee ay la leedahay Somaliland isla markaana  sinaba uugama hor-jeedo arimaha Somaliland” Mr Mark Simmonds
Waxay ahayd Khamiiistii 30/10/2013, kadib markaan aniga “Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada, Wasiirka Wasaarada Arrimaha Debada iyo Xidhiidhka Caalamiga  Mudane Maxamed Biixi iyo Danjiraha Somaliland u fadhiya dalkan UK Amb. Cali Aadan Cawaale kulan saacado badan qaatay  aan la yeelanay  Wasiirka Africa u qaabilsan UK Mr Mark Simmonds,

Kulankan oo ka dhacay wasaarada khaarija FCO Office, waxaa si aad ah uugu lafo gurnay xidhiidhka labada Dal iyo labada Shacab ee soo jireenka ah, Wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, Farriimaha dhinaca socdaalka ee ay dawlada UK dadkeeda uga gudbiso dhinaca Socdaalada (Travel Advice) iyo guud ahaan Xaalada Mandaqada geeska Afrika.

Kulankan waxaan  si faahfaahsan u sharxay in Jamhuuriyada Somaliland ay diyaar u tahay inay kala shaqayso Dawladda Britain arrimaha Amaanka iyo ka hortaga wax kasta oo wax u dhimaya amaanka mandaqada, waxaanan ka  codsaday in Britain ay hormood ka noqoto Aqoonsi ay Somaliland hesho, taasoo ah xaq ay leeyihiin Ummada reer Somaliland, dunidana laga sugayo inay garawsadaan.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Debada Mudane Maxamed Biixi ayaa dhankiisa si  qoto dheer uga hadlay Taariikhda, Qaranimada iyo Madaxbanaanida Somaliland, waxaana uu faahfaahin ka bixiyay in Xornimada Somaliland ay tahay mid aan gorgortan gali karin, waxaana uu tilmaamay waxa u qabsoomay reer Somaliland 22kii sannadood ee la soo dhaafay. Waxa kale oo Wasiirku si cad u bayaamiyay in ujeeddada ay Somaliland ka leedahay wada-hadallada ay Somalia la waddaa tahay sidii ay si nabad ah ugu kala bixi lahaayeen una noqon lahaayeen laba Dal oo jaar ah.

Waxa kale oo uu Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ka hadlay in farriimaha Wasaarada Arrimaha Debada UK ay ugu digto dadkeeda ee khuseeya Somaliland aanay ahayn qaar sax ah, Jamhuuriyadda Somaliland-na ay tahay Dal nabad ah oo foojigan, amaankiisuna uu sugan yahay, waxaana uu Wasiirku sheegay in Fal argagixiso oo Somaliland ka dhacaa ay ugu danbaysay sanadkii 2008, waxaana uu codsaday in shabakadda Wasaaradda arrimaha debadda Britain (FCO website) laga saaro farriimahaas khaldan, kuwaasoo caqabad ku ah Maalgashadayaasha Somaliland danaynaya, waxaana uu xusay in Ciidamada Amaanka iyo Shacbiga oo iskaashanayaa ay habeen iyo maalinba heeggan u yihiin ilaalinta Ammaanka Somaliland, waxa kale oo uu xusay wasiirku in Aqoonsi Somaliland la siiyaa uu Nabadgelyo u horseedi doono geeska Afrika

Wasiirka Afrika u Qaabilsan UK Mudane Mark Simmonds ayaa sheegay inay Britain xishmaynayso xidhiidhka soo jireenka ah ee ay la leedahay Somaliland isla markaana aanay sinaba uga hor-jeedin Somaliland

Wasiir Simmonds waxa kale oo uu sheegay inay diyaar u yihiin inay Wasaaraddiisa iyo Somaliland isla eegaan arrinta “*travel advice*” ka sidii wax looga beddeli lahaa loona waafajin lahaa xaqiiqada ka jirta Somaliland, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay guddi labada dal ka socotaa ka soo shaqayso wax ka beddelka farriinta u socdaalka Somaliland, arrintaas oo ay soo dhoweeyeen

Waxa kale oo uu wasiir Simmonds naga aqbalay in aan  UK London ku qabano  shir lagaga hadli doono sidii Somaliland loo maal gashan lahaa (Somaliland investment conference) kaas oo ay labada dal iyo qurba-joogga Somaliland ka wada shaqayn doonaan diyaarintiisa.
Dhinaca kale waxaan kulan kula qaadanay  guriga caanka ah ee *Chatham House*, aqoon yahanno, professor-ro, saxafiyiin, siyaasiin, safaarado iyo masuuliin ka socday,laamaha kala duwan ee dawladda Britain, halkaas oo aan  ku soo bandhignay war-bixin ku saabsan qaddiyadda Somaliland maraaxilkii ay soo martay ee kala duwanaa iyo himilada qaranka Somaliland ee ah inay helaan aqoonsi caalami ah.
Wa Bilaahi Tawfiiq.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version