WAJAALE NEWS

Murashaxa Jagada Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Oo Laga Horjoogsaday Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa, Ceebaha dul hoganaya Wasiirka Duulista Oo Ilaa Hada Qarinaya Qabyadda Cigaal International Airport

Masuuliyiintan oo aanay tiradoodu badnayn ayay u qorshaysnayd in ay ku soo dhaweeyaan Guddoomiyaha

Hargeysa (Wajaale-News) – Maamulka Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland ayaa xoog ku horjoogsaday Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo u holaday in uu soo dhaweeyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe oo dalka dib ugu soo laabtay.

Jamaal Cali Xuseen oo ay la socdeen wakhtigaasi Guddoomiyaha Golaha dhexe Xasan Sabce, Xoghaye ku xigeenka arrimaha gudaha Xuseen Xasan, Xoghaya Warfaafinta Yuusuf Keyse iyo xubno sarsare oo ka tirsan Hogaanka Xisbigaasi ayaa waxa albaabka ku horjoogsaday Taliyaha Ciidamada Booliska ee

Madaarka, kaas oo u sheegay in uu qabo amar ka yimid dhinaca Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka Cirka.

Masuuliyiintan oo aanay tiradoodu badnayn ayay u qorshaysnayd in ay ku soo dhaweeyaan Guddoomiyaha dhabada diyaaradaha, balse amarkaas Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi.

Sidaas waxa shabakada caalamiga ah ee hadhwanaagnews u xaqiijiyay Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID, waxaanu intaasi ku daray in ay arrintaasi wax lala yaabo tahay.

Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa oo dib u dhiskiisa lagu bixiyay aduun lacageed oo aad u badan isla markaana loogu talo galay dib u dhiska garoonkaasi mucaarad iyo muxaafadba la isku raacay in aan wax badan lagu qaban.

Si kastaba ha ahaatee Waa markii labaad ee uu Wasiirka Duulista Hawadu, garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ka horjoogsado Siyaasiyiinta Mucaaradka ah, waxaana dhacdadan ka horeysay tii uu Kaga horjoogsaday masuuliyiintii  xisbigii Burburay ee UDUB Oo iyagu soo dhaweynayay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version