IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golahayaasha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, AXMED MAXAMED AADAN (QAYBE), oo ku geeriyooday saaka Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaran oo inaga baxay magac iyo taariikhna ku dhex leh bulshada Somaliland iyo qarankaba, laguna xasuusan doono doorkii uu ka soo qaatay dib u dhiska dalka, isaga oo marxuumku xilkii ugu danbeeyey ee uu qaranka ka soo qabtayna uu ahaa Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland wakhti dheerna ka mid ahaa tiirarka qarankani ku daydo ee halbawlaha u ah.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Golayaasha qaranka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
Tacsida ka dib waxa uu Madaxweynuhu gudi heer qaran ah u saaray aaska marxuumka.
WAXAANAY KALA YIHIIN:-
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda (Guddoomiye) Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Beeraha
Ku: Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex
Ku: La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dawladaha Hoose Hargeysa
Ujeedo: Magacaabid Guddida Aaska Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe)
Mudanayaal.
Sida aad ka war-haysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe).
Sidaas darteed Mudanayaal, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabaddaaaska Marxuumka.
Waxaan idinka rajaynayaa in aad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuumka.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.