.Daawo sawiro aad u tiro badan
Gabiley(Wajaale-news)- xaflada balaadhan oo lagu caleemo saarayey jiif caaqilka guud ee gobolka gabiley, ayaa maanta lagu qabtey deeganka ceel giniiseed ee hodanka ku ah bustaanad, xaflada oo ay ka soo qayb galeen, cuqaal, salaadiin, siysiyiin, dhalinyaro, haween, culimaa,udiin,maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gabiley, wasiirkamaaliyada somaliland c/casiis maxamed samaale, wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga drmaxamed c/laahi cumar, iyo boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid gobolada kala duwan ee Somaliland.
Ugu horeyn waxaa xafladaasi baladhan ka Hadley suldaanka guud ee gobolka gabiley suldaan ismaaciil suldaan c/raxmaan, waxaanu halkaasi uga duceeyey jiif caaqilka inuu ilaahay u fududeeyo, waxanu balan qaadey inuu gacan qaban doono.
Boqor muxumed geele seed, caaqil maxamed cabdi qawdhan, suldaan xuseen aw muuse cirdey, caaqil maxamed c/laahi weerar,oo halkaasi iyaguna ka haldey ayaa dhamaantooda ilaahay uga baryey inuu xilkaasi ku asturo, waxney dadweynaha reer gabiley ka codsadeen inay la sheqeeya.
Maayerka degmada gabiley shucayb maxamed muuse oo halkaasi ka Hadley ayaa balan qaadey inay siweyn oo muqleh ula shaqyn doonaan jiif caaqilka cusub ilaahayn uga baryey inuu xilkaasi u fududeeyo.
Gabogabdii waxaa xaflaadasi soo gabogabeeyey suuldaanka guud ee subeer awal sudaal xasan suldaan c/raxmaan oo halkaasi hadl kooban ka jeediyey ayaa dadweynaha reer gabiley ugu baaqay inay la sheqeeyaan jiifka caaqilka cusub, oo ay garab galaan, waxanu halkasi suldanku kugu duceeyey dadweynaha ku dhaqn gobolka gabiley.
WAJAALE NEWS DESK
GBAILEY OFFICE
CONTACT US : Wajalenews@gmail.com