WAJAALE NEWS

Hoggaamiyaha Xisbullah Sh Maxamuud C/laahi Geelle Oo Hab-dhaqan Fool-xun & Xaq-darro Kala Kulmay Caddaaladda Welina Ku Xidhan Jeelka Weyn Ee Magaalada Hargeysa

Sh Maxamuud C.laahi GeelleHargeysa (Wajaale News):- Hoggaamiyaha Urur diimeedka Xisbullah Sheekh Maxamuud C/laahi Geelle oo Bil iyo dheeraad ku xidhan Jeelka weyn ee magaalada Hargeysa ayaa aad looga dayrinayaa cadaalad-darro ba´an oo la sheegay inuu kala kulmay cadaaladda Somaliland.

Sheekha ayaa loo xidhay eedaymo ku qotoma cashuur kordhintii ay ansixiyeen golaha Wakiilada S/Land oo uu si adag uga hadlay iyo aragti uu ka dhiibtay weerarkii Al-Shabaab ku qaaday Suuqa Westgate Mall ee dalka Kenya.

In Muddo ah markii Sheekha la meer-meeriyey isla markaana looga dhaartay inuu qabsado Qareen u dooda ayay maxkamadda gobolka Hargeysa ku ridday xukun Hal Sanno oo Xadhig ah iyo Ganaax Lacageed oo dhan Hal Milyan oo Somaliland Shilin ah.

Xukunkan ka dhashay dacwad bilaa looyar ah ayaa aad looga dardar-weriyey. Inkastoo sida lanoo xaqiijiyey Ganaaxii iyo Xadhigiiba loo iibiyey Sheekha, maxkamadduna ka qaadatay lacag dhan 3,310,000 S/Land Shilin ah oo ka kooban ganaaxii iyo lacagtii iibka xadhiga.

Nasiib-darro ilaa haatan lama sii dayn sheekha lamana garanayo sababta loo diiday in xorriyaddiisii loo soo celiyo, maaddaama uu iska bixiyeyey Ganaaxii iyo Xadhigii oo uu iibsaday. Hab-dhaqanka caynkaasi ah ayaa noqonaya mid aad u fool-xun ugub-na ku ah cadaaladda.

Sheekha oo ka mida culimada dalka ayaa marar badan la xidhay. Waxaase xadhigiisu soo af-jarmaa marka uu muddo xidhnaado, isla markaana eedaymihii loo cuskaday ay intooda badni fashil iyo waxaan jirin ku dhammaadaan.

Sheekhu waxa uu guddoomiye ka yahay urur-diimeed muddo aan fogayn lagaga dhawaaqay dalka lana yidhaa Xisbullah. Waxaanu leeyahay madarasado badan oo bilaash ah, kuwaasoo ku yaala xaafado door ah oo ka tirsan magaalada Hargeysa.

Sheekha ayaa waxaa dabeecad u ah meelkastoo uu joogo inuu dadka bilaash ku baro diinta. Waxaana xusid mudan in markastoo la xidho uu maxaabiista u bilaabo barashada Qur´aanka iyo Diinta. Inkastoo uu leeyahay xanuunka macaanka oo mararka qaar aad looga dayriyo xaaladdiisa caafimaad.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version