WAJAALE NEWS

Heshiiska Ka Dambeeya Dagaalka Lamaanaha Marxalad Noocee Ah Ayuu Wataa..?

hurdoHargaysa(Wajaale News):-Isku soo laabashada dagaal kadib ama ku kala maqnaashaha xanaaqa marwalba waa dareen cajiib ah. Labadiinaba waxaad isku maslaxeysaa dareeno xambaarsan xiisahii kala maqnaashaha,waxaana dad badan aaminsan yihiin inuu ka sii dhasho xiriir jaceyl aad u macaan badan.
Marka aad habeysaa arintaa waxaa muhiim ah inaad xusuusnaataa.
Qeex sababaha aad dib ugu heshiiseen. Muhiim ma’ahan in horey laga heshiiyo,islamarkaana leysku ooyo keliya,laakin xusuusnaaw sababta aad ula heshiineyso dagaalkii iyo caradii aad ku kala maqneydeen! Xusuusnow inaad adiga iyo jaceylkaaga ka wada hadashaan sidaad uga fogaan laheydeen qilaafkan oo kale inuu mustaqbalka ka dhaco.
Adkey heshiishyada Marka aad heshiis wada sameysataan adiga iyo lamaanahaaga xoogaa isbedel ah aad sameyneysiin waa inaad isla ogaatiin sida loo sameynaayo iyo qaabka lagu hirgelin karo xiriirkiina.
Adkey! Lamaanayaal badan waxey gaaraan heshiisyo marka ay isku soo laabtaan,laakin waxey ku dhamaataa ayagoo ilaawan waxaaney dib ugu laabtaan mashaakilkii hore.
Hadii aadan ixtiraamin oo aadan raacin heshiisyada cusub, waxaad arkeysaan adinkoo ka murmaaya arimo la mid ah kuwii hore marar badan.
Hubi in jaceylkiinu marwalbo ahaado mid xiiso badan,si xiriirkaas uu usii jiro.Hadii aad joogteyso xiriirkaasi si toos ah lamaanayaasha waxey xooga saari karaan waxyaabaha ay ku hormarin karaan xiriirkooda sida ayagoo hadiyado fudud is weydaarsado.

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version