WAJAALE NEWS

: Hanti Dhawrka Oo Albaabada Iskugu Dhuftay Xafiisyada D/Hoose Ee Allaybaday, Gudoomiyihii Iyo Xoghayihii Oo Galabta Si Deg Deg Uga Baxay Hargeysa.

allaybaday(wajaalenews)-Hanti dhawrka qaranka Somaliland ayaa saaka ku waabariistay xafiisyada Dawlada Hoose ee Degmada Allaybaday ee Gobolka Gabiley,waxaana la sheegay in markii ay halkaa gaadheen xubno ka socda hanti dhawrku ay ka bilaabeen ururinta buugta juwanada lacag qabashada,iyagoo dhinaca kalena,amar yeedhmo ah u diray Gudoomiyaha degmada Allaybaday,Axmed Awciise Maxamuud iyo xoghayaha dawlada Hoose  ee Allaybaday Maxamed Xuseen Dheere oo wakhtigaa Hargeysa ku sugnaa.

Tirada Hanti dhawrka tagtay Allaybaday ayaa la sheegay inay dhan yihiin Saddex xubnood oo laga diray Xarunta haayada Hanti dhawr qaranka Somaliland ee Hargeysa,waxaana warka aanu ka helayno Allaybaday sheegayaa in hanti dhawrku  halkaa u tageen hawlo la xidhiidha shaqada ay qaranka u hayaan ee ilaalinta hantida qaranka,iyagoo wata xogo sugan oo ay hore uga heleen degmada Allaybaday,xogahani ayaa la sheegay inay ku taxa luqaan lunsiga  xadi lacageed oo cadadkeedu sareeyo,oo loo tirinayo inay sifo sharci daro ah uga baxday degmada Allaybaday. Wararka aanu ka helayno degmada Allaybaday ayaa sheegaya in xubnihii hanti dhawrka ka socday si habsami ah u wataan baadhistoodii iyadoo dhinaca kalena gudoomiyihii iyo xoghayihiina gaadhi usii saaran yihiin Allaybaday oo ay ka baxeen Hargeysa, waxaana la sheegay inay hanti dhawrku albaabada u xidheen xafiisyadii dawlada hoose ee Allaybaday,iyagoo urursaday dhamaan buugtii juwanada ee lacagta lagu qabanayay.

Lama garanayo mudada ay hanti dhawrku halkaa ku sugnaan doonaa balse warar xog ogaal ah oo aanu degmada Allaybaday ka helnay ayaa sheegay inay halkaa joogayaan inta ay hawlahooda baadhiseed dhamaysanayaan. Hanti dhawrka qaranka Somaliland ayaa la sheegay inay hore dhawr jeer utageen hawlo noocan oo kale ah balse wax natiijo ah kamay soo saarin,laakiin xubnaha doorkan tagay oo ah kuwo miisaan leh ayaa la saadaalinayaa inay soo bandhigi doonaan xogo cad oo muujinaya hantida iyo dakhliga degmada u soo xerooday iyo meelaha ay ku baxeen,oo aanay sidii kuwii hore faro badhnaan ku soo laaban.

Inkastoo,dakhliga soo gala degmada Allaybaday yar yahay,hadana waxaa jira dakhli badan oo degmada Allaybaday u soo xerooda wakhtiga bisha carafada,waxaana lagu qiyaasaa inay u soo hoyato illaa saddex boqol {300,000,000] oo milyan. Dakhligan ayaa inta badan uga soo xerooda xoolaha la dhoofiyo bisha carafada,sida adhiga,geela iyo looda,oo sida daadka usoo mara Allaybaday,waxaana cashuura xafiiska dawlada Hoose Allaybaday,lacagtaasi oo la sheegay inaan looga faa’iidayn degmada hurumarinteeda,balse ku dhacda jeebabka ashkhaasta hadba joogta maamulka D/hoose ee Allaybaday

WAJAALENEWS

HARGEISA OFFICE

 

Exit mobile version