WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland ahna gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo soo gaadhey UK.

Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland  ahna gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo soo gaadhey UK.

 

 

London-(Wajaale-news)- Gudoomiye A/rahman Mohamed A/llahi “Ciro” oo beryahaba ku sugnaa Qaaradan Yurub ayaa xalay xili dambe ka soo degay Wadankan Ingriiska. Gudoomiyaha oo safaro kooban ku soo kala bixiyey wadamada Finland iyo Sweden ayaa wadankan Ingriiska kaga qayb geli doona shir ay isugu imanayaan Xubnaha Baarlamaanka ee wadamada barwaaqo sooranka (commonwealth) oo la filayo inuu maanta ka furmo hoolka shirarka ee Baarlamaanka Wadankan Ingriiska ee Westiminister.

 

Gudoomiye A/rahman Ciro oo martiqaad ka helay Baarlamaanka Commonwealth-ka ayaa la filayaa inuu mudo kooban  joogi doono Wadankan Ingriiska. Gudoomiyaha ayaa madaxdan uu goobtan kula kulmi doono warbixin ka siin doona xaalada S/land guud ahaan isagoo sidoo kale ka gadi doona Qadiyada gooni-isutaaga S/land.

Gudoomiye Ciro ayaa la filayaa mudada uu halkan joogo inuu la kulmi doono madax sare oo Wadankan ah iyo bulshada S/land ee ku nool Wadankan Ingriiska iyo weliba Taageerayaasha Xisbiga Waddani.

 

Afhayeenka Xisbiga Waddani UK
Qasim A Saleebaan

Exit mobile version