WAJAALE NEWS

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe oo dalka Turkiga kaga qaybgalay Shir Caalami ah.

Hargeysa (Wajaale-News):-Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelaka UCID Md. Faysal Cali Waraabe

 Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelaka UCID Md. Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan Xisbiga UCID ayaa dalka Turkiga kaga qaybgalay Shir Caalami ah.

Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelaka UCID Md. Faysal Cali Waraabe iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka ka qayb galay shir caalami ah oo ka furmay saaka subaxnimadii dalka Turkiga, gaar ahaan magaalada Istanbul, shirkan ayaa wuxuu socon doonaa laba maalmood.

Shirkan ayaa waxa magaca Somaliland ku matalayey Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Xuseen Iyo wafti uu hogaaminayo. Shirkan oo ah shir caalami ayaa waxaa si rasmi ah loogu marti qaaday xisbiga UCID.Taas oo ergada Somalilanda kala kulantay maamuus iyo soo dhaway aad u heer sareysa oo lagu soo dhaweeyey.

Shirkan oo ah shir sanadle ah ayaa waxyaabaha lagu lafa guridoono waxaa ka mid ah sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqaynta Xisbiyada Socialka Caalamka, Hor-u-marka Bulshooyinka Caalamka , Dimuraadiyadda xuquuqal iinsaanka iyo arimo kale oo badan.”

 

 

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version