WAJAALE NEWS

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxay MARXUUM MAXAMUUD AW SICIID GEED

TACSI

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxay MARXUUM MAXAMUUD AW SICIID GEEDI oo ku geeriyooday shil gaadhi oo 19/11/2013 ka dhacay duleedka Galbeed ee caasimadda Hargeysa, waxaannu si gaar ah tasi tiiraanyo leh ugu dirayaa Ganacsade Maxamed Siciid Geedi oo ay Marxuumka walaalo ahaayeen.

Sidoo kale, Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu tacsi taa la mid ah u dirayaa dhammaan qoysaska, qaraabada iyo ehelada ay ka baxeen Marxuumiinada kale ee ku dhintay shilkaasi naxdinta leh, isagoo dhammaantood Ilaahay uga baryey inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, inta ay ka baxeenna samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajelenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version