WAJAALE NEWS

Guddoomiyaha Ha´yadda Ka Hortaga Masiibooyinka Dabiiciga Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Dabaylaha Iyo Roobka Is-wata Ee Ku Dhuftay Mandaqadda

Hargeysa (Wajaale News)-Hay?adda Ka hortagga masiibooyinka dabiiciga ee Somaliland ayaa maanta warbixin ka bixisay xaaladda cimilada iyo duufaanada ka dhacaya Gobolka Geeska Afrika kuwaas oo, welina ka socda meelaha qaarkood.

Gudoomiyaha hay?adda ka hortaga aafooyinka Somaliland Md. Maxamed Muuse Cawaale oo u warramay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in dabaylaha iyo roobabkan is huwani ay yihiin nooc gaar ah oo ka mid ah cimilooyinka yimaadda waxana uu magaceeda ku sheegay (TROPICAL STROM-038).

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in dabayshan qoyan lagu magacaabo Cyclon, ayna ka soo kacday biyaha Badweynta Hindiya, iyadoo halkii ay dariiqeedii ku sii socon lahayd u soo baydhay dhinaca geeska afrika sida Somalia oo ay ku dhufatay magaalooyinkii xeebaha khasaarena gaystay.

Md. Maxamed Muuse Cawaale oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay inay dabayshu iyadoo aan itaal badan lahayn ay soo gaadhay xeebaha bari ee Somaliland iyo meelo kay ka mid tahay Magaalada Ceerigaabo,lagana dareemayo ilaa Caasimadda Somaliland ee Hargaysa oo qoyaankeedii u soo tallaabay.

Dhanka kalena Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in illaa hadda aanay ka war haynin cid wax ku noqotay Somaliland gudaheeda, laakiin uu guud ahaan dalka ka jiro Qabow iyo dhaxan aan noociisa hore loogu arag deegaanadan.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenew@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version