WAJAALE NEWS

Guddomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Ku Amaanay Golaha Kaalintii Ay Ka Qateen Daminta Shaqaaqooyinkii Ka Dhacay Gobolada Dalka Qaarkood.

golaha guurtida somalilandHargaysa(Wajaale News):-Fadhigii Golaha Guurtida Ee maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golahaasi Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan(saleeban Nuur) ayaa sheegay in golaha Guurtidu uu kaalin fiican ka qaatay daminta shaqaaqooyinkii ka dhacay Gobolada iyo degmooyinka dalka qaarkood.
Guddomiye waxa kale uu sheegay shaqaaqadii ka dhacday xariirada in guddida iyo golaha guurtidu isla qaateen in shirkan danbe ee la qabanayo uu ka qoto dheraado kii hore waxaana uu yidhi?shaqaaqadii xariirada inkasta oo hawshii iyo dib uheshiisiinti dhamaatay,hadana waxaanu isla qaadanay guddidii iyo golaha guurtidu in waxa lagu heshiiyey furitaankii qaybtiisii hore hadana inagu aynu goob joog ka ahaano oo ay gudidi noqdaan marlabaad si ay goob joog uga noqdaan heshiiskaas labaad ee degmada xariirada.

Guddoomiyuhu waxa kale uu sheegay in dib uheshiisiintaas ay kala qayb qaateen wasiir dhawr ah oo kasoo jeeda degaanka waxaana uu yidhi:arinkani waxa uu ahaa laba howlood oo adag oo goluhi dirtay iyo ragii hawsha qabtayba waa mahad sanayihii arinkan wasiirana way nagala qayb galeen kuwaas oo kasoo jeeda degaanka shaqaaqadu ka dhacday ee xariirada.

Dhanka kale waxa uu guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ay goluhu udireen guddida nabada galiyada si ay xal waarta usoo islaaxiyaan gobolada iyo degmooyinka dalka ee ka dhaceen shaqaaqooyinku waxaan uu yidhi?guddidii nabada galiyada intaanan idinka tagin waynagii udirnay bal dhibaatooyinka ka jira gobolada iyo degmooyinka dalkan ka jira kaas oo dhexe yaal beelaha ay soo uruuriyaan sida ay ukala mudan yihiin ay usoo sheegaan iyagu hawshoodii halkaas kaga aadanayd way soo qabsadeen  waxa hadhay oo kaliya sidii arinkaas loo fulin lahaa markaas waxa aynu gali doonaa marka aynu kasoo noqon fasaxa.

Guddoomiyuhu waxa kale uu sheegay in labada gole ee golaha wakiilada iyo golaha guurtida somaliland ay labaduba ay gaabis ka yihiin xagii shuruucda waxaan uu yidhi?waxa weeyaan idin canaana maayo ee arinkani waa waxa laba gole ka dhexeeya weyaan in aynu xaga shuruucda gaabis ka nahay golayaasha guudo ahaanba lakiin inaga waxa hada inagu qabyo ah oo aan sheego ma jiraan ka gole guurtid ahaan.

Dhanka kale waxa uu guddoomiyuhu sheegay in qadhaankii lagu darayey wadada isku xidhaysa Magaalooyinka Ceerigaabo Iyo  Burco Qaadhaankii laga rabay golaha guurtidu uu ku xidhan yahay midka ay bixiyaan Golaha ku lamaan ee wakiiladu.

Gabogabadiina Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa ku war geliyay mudaneyaasha in uu goluhu fasax noqon doono muddo bil iyo badh ah.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version