WAJAALE NEWS

Fadeexado Dul Hoganaya Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Ka Soo Baxaya Dhismaha Wadooyinka Dalka Qaarkood oo La Sheegay in Dhismahoodii Istaageen

Burco (Wajaale News):-Iyadoo dhawanaahanba ay socdeen dhismayaasha wadooyin tiro badan Oo laga kala waday degaamo badan Oo Somaliland ah ayaa waxaa dhawrkii maalmood ee u danbeeyay soo baxaysay inay hagad galeen hawlihii dhismaha ee wadooyinka isku xidhayay Burco ilaa oodweyne iyo waliba bilawga wadada kale ee dhawaan bilaabmilahayd ee isku xidhaysa Burco iyo ceerigaabo taasi oo ay hadhaysay dhismaha wado aan qorshaha ku jirin oo ay wasaarada madaxtooyadu si degdega hada u bilawday.

Dhismaha wadada cusub ee ay wasaarada madaxtooyadu bilawday ayaa ah mid isku xidhaysa magaalada Berbera ilaa Ceelafweyn taasi oo ah wado maraysa dhanka xeebaha bari ee berbera waxaana warar sugan ay warbaahintu heshay ay xaqiijinayaan in wasaarada madaxtooyada Somaliland ay ku amartay Gudiyadii ku hawlanaa wadooyinka kale ee socda inay hakad galiyaan hawlahaasi shaqo si loo bilaabo wadadani cusub.

Waxaana jirtay in dhismaha wadadaasi uu bilaabmay mudo haatani laga joogo sadex bilood si hoos ahaanana ay u waday wasaarada madaxtooyada Somaliland balse mudo haatani laga joogo 3maalmood ayay ahayd markii gudiga gacanta ku haysa dhismaha wadadaasi ay shaaciyeen in wadadaas lawado kana mudantahay dhamaanba wadooyinka kale ee haatani dalka laga wado.

Engineerka guud ee Wasaarada Madaxtooyada Somaliland iyo Hayada wadooyinkaba Somaliland u qaabilsan dhismaha wadooyinka Burco iyo oodweyne iyo waliba wadada kale ee Burco iyo ceerigaabo Eng Faarax Xuseen ayaa Markii ugu horaysay isagoo ka hadlayay qorshaha wadadani waxa uu sheegay inay xaaraan tahay in wadooyinka kale la dhiso ilaa wadadan oo dad badani ku dhibtoonayaan la dhiso arintaasi oo yeelatay dareeno gaara iyo waliba is hortaag ka dhalankara dhismaha wadooyinkii socday.

?Shacbiga Somaliland ha Ogaadaan in noloshooda oo dhami xaraan tahay inta aan wadadan loo dhisin dadka dega degaanadaas waxaana Xaqa in wadooyinka kale oo dhan laga horaysiiyo wadadan waxaana xaqiiqa in wadadan la dhisi karo hadii loo guntadao muhiimad weyna la siiyo?

Dhinaca Kalena Tan iyo  wixii ka danbeeyay safarkii madaxweyne Siilanyo ku tagay Gobolada Bari ee Dalka waxaa si toosa u istaagtay dhismaha wadada Burco iyo oodweyne halka dib u dhac xooganina ku yimi bilawgii wadada ceerigaabo iyo Burco waxaana taasi ay dhalisay in dad badani ku Eedayaan in wasaarada madaxtooyada Somaliland ay bilawday qorshayaal hor istaagaya wadooyinkii socday iyo kuwii bilaabmilahaaba madaaama oo farsamayaqaanadii wadooyinkina loo xil saaray ay haatani ku hawlanyihiin dhismaha wadadan cusub ee Berbera iyo Ceelaf weyn.

Tan iyo markii ay soo shaacbaxday dhismaha wadada Bariga Magaalada Berbera waxaa Dadweynaha dhex maaxayay dareeno tiro badan oo la xidhiidh sababta ay xukuumadu uga door biday wadadani dhismayaasha jidadkii kale ee dalka ka socday waxaana hubaal inay soo baxayaan jawaabaha ka cadhaysiiyay in badan oo bulshada ka mid ah kuwaasi oo ku taxaluqa in wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaji Cali Xasan hiragalinta wadadani ka leeyahay qorshayaal salka ku haya nidaam qabaliya madaama oo degaamada wadadani maraysaa ay dhamaanba yihiin kuwo u gaar ah beesha wasiirka madaxtooyada Somaliland ka soo jeedo.

Dhanka Wararka Kale oo ka soo baxayay maalmihii ugu danbeeyay gobolka saaxil ayaa sheegaya in khilaaf xoogani soo kala dhexgalay qaar ka mid ah xildhibaanada golaha degaanka Berbera ka dib markii qaar ka mid ah xildhibanada ka soo jeeda degaanadaasi ay wadadani marayso ay soo jeediyeen in dawlada Hoose ee Berbera ay dhaqaale maaliyadeed oo badan wadadani kaga qayb qaadato halka xildhibaano kale ay shegeen in wadadani ay tahay mid aan Bulshada la ogaysiin oo madaxtooyadu si hoose u wado kuna kharash garaynaso lacago wadooyin kale loo soo ururiyay.

Si kastaba ahaatee waxaa kor u sii kacay maalmihii ugu danbeeyay dareenada iyo saska ay in badani oo shacabka ka mid ahi ka qaadeen dhismaha wadadan aan hore loo shaacin lagana barbar bilaabay wadooyinkii kale ee hore dalka uga socday kuwaasi oo u arka mid wadooyinkii kale ee muhiimka ahaaba loo xanibay taasina ay tahay mid muujinaysa edaymihii hore loogu soo jeedinayay in wasiirka madaxtooyada iyo xukuumaduba ay isku koobtay qorshaynta dhismayaasha wadooyinka dalka ka socda.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version