WAJAALE NEWS

Daawo: Madaxweyne Obama Oo Ka Hadlay Magaca Kooxda RED SKINS Oo Muran Iyo Kala Qaybsanaan Ka Abuuray Dalkaas

Washington, (Wajaale News/Aljazeera):- Madaxweynaha Dalka Maraykanka Barack Obama ayaa ka hadlay magaca koox kubada Maraykanka aadka looga ciyaaro, ee loo yaqaano American Football ee RED SKINS, taas oo ah koox ku ciyaarta magaca caasimadda dalkaas ee Washington, waxaanu madaxwaynuhu sheegay in haddii uu kooxdaa leeyahay isagu uu ka badali lahaa magaceeda oo midab takoor iyo taariikh xun xanbaarsan.

Kooxda Red Skins ayaa magaceedu muran ka dhaliyay dalka Maraykanka, gaar ahaan qabiilooyinkii asal ahaan dhulkaas loogu tagay, oo

magacan aad u neceb, looguna isticmaalay xasuuqi lagu gumaaday dhawr qarni ka hor, waxaana socda olole lagaga soo hor jeedo magacaas oo dadka cunsuriyada neceb ee dalkaasi ay ku hawlan yihiin.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info;wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version