WAJAALE NEWS

“Cirro Ayaa Imika Soo Dagaayee Hargeysa Wixii Mucaarid Ahi Waa Inay Dhaqaaqaan Oo Ay Garoonka Tagaan” Mujaahid Dhagoweyne

HARGEISA(WAJAALENEWS)Mujaahid Ibraahin Dhagaweyne oo maanta ka hadlay shirjaraa’id oo ay qabteen siyaasiyiinta ku bahoobay madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaa xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku eedeeyey inay siyaasiyiinta mucaaridka ah ka horjoogsato madaarka hargeysa.

“magaalada Hargeysa oo dhami waa tii dhaqaaqday maalintii uu ina Riyaal yidhi kama soo dagayo madaar Axmed Siilaanyo, maanta Cabdiraxmaan Cirro ayaa soo dagayee hargeysa wixii mucaarid ahi waa inay dhaqaaqaan oo ay garoonka tagaan meesha inaga ayaa u dhiibanaye hooyadood ugamay dhimane” ayuu yidhi

Mujaahid Ibraahin Dhagaweyne oo halkiisa sii wataa wuxuu yidhi “waxaan leeyahay umaddu jawaab cad haka bixiso oo ha muujiso dareenkeeda oo hala wada tago oo aynu tagno madaarka hargeysa bal ninkii loo diidayo iyo ninkii leh aynu aragnee”.

Mujaahid Ibraahin Dhagoweyne waxa kale oo uu ka hadlay safiirkii Turkiga ee hargeysa yimid wuxuuna yidhi “waxa hargeysa yimid safiirkii turkiga oo doonayey inuu qunsuliyad ka furo hargeysa waana mid subxaan alle in madaxweynaheenii uu safiirkii xamar halkan ku qaabilo aduunyada kale way inaga warwareegijirtay oo itoobiya ayaa safiiradeeda laynoo soo dirijiraye taasi waxay cadaynaysaa in madaxweyne siilaanyo aqbalay inay Somaliland noqoto substation markaa waa in qaranimadii somaliand dib laysu waydiiyo”.

Isaga oo ka hadlayey inay wasiirada xamar yimaadaan hargeysa wuxuu yidhi “waxaanu ogayn in wasiiradii xamar ka soo dagaan madaar berbera oo madaxtooyada dabadeeda lagu hayey umadduna inay ka aamusto maahee waa inay ka mudaharaadaa hadii kale meel ka fog halkii hore ayaynu ka doonidoonaa”. Ayuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyey Mujaahid Ibraahin Dhagoweyne.

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

CONTACT;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version