HARGEISA(WAJAALENEWS) Xeryaha Millatariga iyo saraakiisha isku taxay xidagaha cirka waa loo daabulo xaduudaha wadanka si ay wax uga qabtaan cid kasta oo kusoo qaldamaysa
Taleex ma Pintiland baa mise waa Somaliland waan yaabaye ma ila yaabteen ….? mise anigaa dhul kale sheganaya oo gar daran….?waxaan ka yaabay dawlada dhan ee haduu ciidan shisheeye kasoo gudbo xaduudka Somaliland iyo Djibouti aan marna aanad ka maqlaynin wax hadal ah iyo hugun ah,haday ciidanka Ethiopia soo taalabaan waybay ka hortagaan oo ay gacmaha ka dhundhunkadaan maamulka Kulmiye waxay u eg yihiin rag loo dirtay inay eegaan afka dadka shacabka ah iyo siyaasiyiinta asxaabta kale ee dhaliila nin kastaa kalmaduu yidhi way duubantahay lkn arki maysid madax ka hadlaysa Xaduudaha Somaliland
bari ilaa galbeed ayaa ah qaar cidlo ah oo aan lahayn wax ilaalo ah habayaraatee ,xakuumad ka jawaab celinaysaana maanta arki mayno ficil iyo qool ma jiro ciidanka qaranka ayaad moodaa inay yihiin Police oo kale magaalooyinka ayay tuutaha ku xaragoodaan habeen iyo dharaar ayadoo ay ka jirto weeraro iyo colaad baahiweyna loo qabo difaaca qaranka iyo xaduudaha Somaliland oo habeen iyo dharaar cadowgu ku taamaayo,dhawaan ayay ahayd markii aan ka maqlay warbaahinta in xaduudka Djibouti aan la leenahay ee Lowyacado dhanka Somaliland ay soo farogaliyeen xakuumada Ismail Omer Guelleh lana sheegay in dhulkaasi ay ka midyihiin Djibouti ilaa Dooxa Bariislena laga kireeyay ciidan Maraykan ah,hadaad eegto dhanka xaduudka Ethiopia ayaa mid iska baylahsan oo wado halaq ah markii ay doonaana ciidankaasi Liyuu Polisku ay waxay doonaan ka sameeyaan hada iyo horeysaba waxaan ognahay inay yihiin xaduudaha Somaliland qaar haawanaya oo ay adeegsan karaan cid kastaaba.
Xeryaha Millatariga iyo saraakiisha isku taxay xidagaha cirka waa loo daabulo xaduudaha wadanka si ay wax uga qabtaan cid kasta oo kusoo qaldamaysa ha ahaato bad iyo bariba hadii kale xisbiga Kulmiye ha is casilo oo wadanka cid ka naxaysa haloo dhiibo ayaan ku talin lahaa ,xakuumada Kulmiye waa mid u bootaysa shacabkeeda iyo siyaasiyiinteeda waayo waxaad arkaysaa haduu saxaafada ka hadlo siyaasi muwaadin ahi uu dhaliilo siyaasada wadanka lagu hagaayo waxaad arkaysaa judhaaba qaar fadlan ku shubo ah ayaa xaymanka kuusoo qabsanaaya oo naftaada halis galinaaya markaad qorto maqaal ama aad TV ka hadasho ayaanad amaan ka helaynin Guulwadayaal isku xilqaamay inay cabudhiyaan muwaadin kasta oo cabiraaya fikirkiisa.
Xakunku maaha Hargeysa iyo Burco wadanka Somaliland waa Bari ilaa Galbeed Guban iyo Oogo dhamaan waxaa u qoolan Axmed Siillaanyo haduu ciidanka xeryaha ku caaryay gayn waayo xaduudaha lagusoo sinqaayo ,shacabku ma difaaci karo dawlad kusoo xadgudubtay xaduudka mana ilaalin karo maleeshiyo beeleed dhul boob oo xasuuqa shacabka markaa ciidanka Somaliland hadii aanay shaqadooda qabsan ha iska dhigaan dirayska oo diracyo baacweyne ah ha gashadeen sida xaawalayda,anagu yeeli mayno Mudane Madaxweyne in taako ka mid ah dhulka Awdal ay soo galaan ciidan ajaanib ah ha ahaado Maraykan ama ciidanka Djibouti xaduudka Lowyacdo ayaa noo ah Made.Magaalada Lowyacdo hadii aanay xakuumada aan jaarka nahay ka dayn waayaan faro galinta ay ku doonayaan in la baabiiyo ka yeeli mayno cidna inay gardaro ugusoo duulaan dhulkayaga yeeli mayno jawaab ayaanan ka bixin doonaa dhawaan,waan ognahay inay ku jiraan xakuumada Somaliland iyo xisbiga Kulmiye sirdoon badan oo la shaqeeya maamulka Djibouti ayagoo doonaya inay kusoo sinqaan gobolka Awdal ee kheyraadka badan dhex ceegaago.
Isku daygii dilkii Maxamed Kaahin waxaa lagasoo abaabulay Djibouti waxaana fuliyay sirdoonka Djibouti ee degan Hargeysa kaasi ah mid ku dhex milmay Xisbiga Kulmiye iyo xakuumadaba,isku daygaasi dilkaasi dhicisoobay waxaa lagu tuhmayaa dad shacabka iyo siyaasiyiin u dhalatay Somaliland cadaymo loo hayo waxaan ognahay in lagasoo abaabulay wadanka Djibouti si la iskaga horkrrno shacabka Somaliland gaar ahaan shacabka Isaaqa si loo kala dhex galiyo shaki kadibna ay iska laayaan haldoorka beel kastiba beel kale kadibna wadanku ugalo fowdo iyo dagaal sokeeye oo soo noqda habariba habar disho kadibna laga fushado dantii loo socday waana arin jirta oo mudan in lagu baraarugo.
waana fiiro gaar ah loo yeesho xakumad iyo shacaba waxii duulaan qarsoon ah ,duulaanka qarsoon ayaa ka halis badan duulaan xaduudaha ee ciidan shisheeye kusoo weeraro lkn ay Sirdoonka shisheeye kaa dhex samaystaan hulo way kuu dhamaatay mar hadii sirtii wadanka loo gudbiyo jaarkaaga si dhib yar ayaa laguu kala daadin karaa,shacabka iyo xakuumaduba haka digtoonaadeen dhamaan duullaanada shisheeyaha ayaan ku talin lahaa anigoo ah muwaadin Somalilander ah.
Aan usoo noqdo duulaanka Taleex iyo xasuuqa la xasuuqay shacabka reer Taleex ee bariga Somaliland waxaa dhawaan weerar kusoo qaaday reer Pintiland oo xasuuqay shacab faro badana baro kiciyay ayagoo kasoo duulay Garoowe ayaa halkaasi ay ku laayeen dhalinyar iyo hogaamiye dhaqameedyo u dhashay Somaliland waana sababta aan qalinka u qatay caawa oo ah in aan ciidanka u sheego inay u ruqaansadaan dhankaa iyo Taleex oo hada ku jirta gacabta ciidanka Faroole lagana sifeeyay dhamaan dadkii u dhashay deegaankaasi ilaa hadadaasi aan joognana ay xaaraan ku haystaan dad kasoo duulay gobolada dhexe ee Somalia gaar ahaan Majeerteeniya ,maleeshiyo beeleedka soo dhaafay in badan xaduudka Somaliland ee qabsaday Taleex hadii aanay ciidanka Qaranka ka jawaabin waa ayaan daro waxayna ku noqondoontaa Fiix iyo fool xumo xisbiga Kulmiye ee u booteeya shacabkooda ,siyaasiyiintooda iyo saxafiyiintooda ,ciidanka qaranku ma shacabka cabudhintiisa ayaa loo sameeyay mise inay difaacaan cadowga soo weerara wadanka….? su´aashaasi waxaa ka jawaabi doona Madaxweynaha iyo hogaanka siyaasada ee uu gacanta ugu jiro Remoute-ku maanta ayagoo ku qasbad difaaca wadanka gudop iyo dibad ba Taleexna waa Somaliland.
Mahammed Abdirahman Sharif
WAJAALENEWS
HARGEISA OFFICE