WAJAALE NEWS

20 Sano Guuradii Ka Soo Wareegtay Aasaska Ciidanka Booliska Somaliland Oo La Xusay Iyo Madaxwayne Silanyo Oo Ka Qayb-galay.daawo sawirada+warbixintii

xuska police ka somalilandHargeysa(Wajaale News)-madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka qayb galay munaasibad balaadhan oo lagu xusayay 20 guuradii ka soo wareegtay aasaaska qaybaha kala duwan ee ciidamadda booliska Somaliland.

Munaasibadaasi oo maanta lagu qabtay xarunta taliska guud ee ciidamadda booliska ee magaaladda Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay taliyaha ciidamadda booliska Sareeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan, taliye ku xigeenka ciidamadda booliska C/raxmaan Liibaan (Fooxle), taliyaha ciidanka qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale, taliyaha ciidamadda ilaaladda xeebaha, hogaanadda ciidamadda booliska.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka soo qayb-galay xubno ka mid ah golaha wasiiradda oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha guddaha Cali Maxamed Waran-cadde, wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), wasiirka duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Maxamuud Xaashi Cabdi, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, masuuliyiin ka socday xafiiska ganacsiga dalka Ethiopia ee magaaladda Hargaysa iyo masuuliyiin kale.

Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo khudbad ka jeediyay munaasibadaasi lagu xusayay labaatan guuradda ka soo wareegtay aasaaska ciidamadda booliska waxa uu yidhi “Farxad weyn ayay ii tahay in aan ka soo qayb-galo labaatan guuradii ka soo wareegtay aasaaska ciidanka booliska Somaliland, ciidamadda boolisku waa waxa aynu ku fadhino haddii aynu dalka nahay nabad geliyadaa aynu haysano iyo wanaagaa aynu haysano, iyo midnimadaa aynu haysano, illaahay ka sekow waxaynu ugu mahad-naqaynaa ciidamada booliska ee amaanka dalka iyo ka dadkaba gacanta ku haya ayaynu uga mahad-naqaynaa”.

Md. Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay in ciidamadda boolisku madada ay jireen hawl aad iyo aad u wayn ay qabteen, “mudadaa aynu jirnay shaqo aad iyo aad u wayn ayay qabteen, waxay u soo jeedeen hadh iyo habeen nabad geliyadda dalka iyo ilaalinta amaanka dadka ayay u soo jeedeen, waxaanu leenahay sidii la tilmaamay ee halkan ka muuqatay shaqooyinkii ay qabteen, tafaasiishii ay ka bixiyeen, sida ay xog-ogaalka u yihiin, sida ay ula socdaan, wixii dalka iyo dadku u baahan yahay waxaanu leenahay aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin” ayuu yidhi madaxwayne Siilaanyo.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xukuumadiisu gacan siin doono Hay’adaha ammaanka, waxaanu yidhi “Waxaan balan qaadayaa haddii aan ahay madaxwaynihii qaranka Somaliland in aanu gacan buuxda ka siino ciidanka ammaanka, nabad geliyadda iyo booliska wixii ay u baahdaan ee ay ku sugayaan qaran-nimadda iyo amaanka dalka iyo dadka waxaanu ka siinaynaa gacan buuxda, dhiiri gelin iyo guubaabo, waxaan mar kale u mahad naqayaa ciidamadda booliska ee amaanka inoo haya, waxaan leeyahay iyaga iyo qoysaskoodaba iyo eheladoodaba aad iyo aad ayaan idiin hanbalyaynayaa”.

Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay waxa uu yidhi “Muddane madaxwayne waxaan jecelahay in aan halkan kugu soo dhaweeyo sanad guuradda labaatanaad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidamadda booliiska Somaliland, iyada oo uu qaan gaadhay booliska Somaliland, aniga oo ku hadlaya magaca saraakiisha ciidamada kala duwan, saraakiil ku xigeenadda, dableyaasha iyo fanaaniintii maskaxda furnayd ee halkan horteena ka jeediyay riwaayadii ka hadlaysay qiimaha ay leedahay Somaliland iyo gooni isku taageedu iyo sida ay bulshadda reer Somaliland ugu hanuunsan yihiin in ay dawladooda iyo dalkooda wax la qabtaan”.

 

“muddane madaxwayne waxaanu halkan ku haynaa ciidamada loo yaqaano ciidanka booliska oo ah ciidamo naftood hureyaal ah, oo habeen iyo maalinba u heegan ah sidii ay u daryeeli lahaayeen bulshadooda iyo qarankooda intaba si ay ugu noolaadaan nabadgeliyo, barwaaqo iyo bash-bash, muddane madaxwayne shaqadda uu boolisku u yahoo qarankan Somaliland waa shaqo aad u qiimo badan, waxay ilaaliyaan nabadda, waxay daryeelaan bulshadda, waxaa ku dhisan nabad guud ama nabadda guddaha ee Somaliland”.

“Waxaanu doonaynaa in aanu ciidanka booliska Somaliland gaadhsiino halka ay joogaan ciidamadda casriga ah ee booliska ah ee wadamadda caalamku, waxaanu u soconaaa muddane madaxwayne oo aanu qorshaheedii haynaa in aanu ciidankeena u qalabayno sida ciidamadda caalmka ee casriga ah, waxaana ciidankan u diyaar ah tababar ay ku qaadanayaan sidii ay u sugi lahaayeen shaqadda ay qaranka u hayaan, sidii ay bulshadooda u daryeeli lahaayeen, isla markaana ay u noqon lahaayeen saaxiib dhaw oo bulshadda wadnahooda iyo dalkaba ku dhaw, oo marka ay arkaan ay ku farxaan ee aanay ka nixin” ayuu yidhi wasiir waran cadde

.

Geesta kalena waxa halkaasi ka hadlay taliyaha guud ee ciidamadda Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Hoggaanka hawl-gelinta Maxamuud Ducaale waxaanay ka warameen horusocodkii ciidanka boolisku ka sameeyeen waajibaadkooda shaqo sanadkii ugu dambeeyay iyo marxaladihii kala duwanaa ee ciidanku soo maray labaatankii sanadood ee la soo dhaafay.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version