WAJAALE NEWS

Waxaa indhaha shacabka reer Somaliland ku fiiqan yihiin sida ay xukuumadu u-maareyso shirqoolka loogu talo galey in lagu khaarajiyo xildhibaan Mohamed Faarax Qabile

Waxaa indhaha shacabka reer Somaliland ku fiiqan yihiin sida ay xukuumadu u-maareyso shirqoolka loogu talo galey in lagu khaarajiyo xildhibaan Mohamed Faarax Qabile

 

Anaga oo ah qurbojoogta reer UK ee ka soo Jeeda gobolka Saaxil waxaanu si mug-leh oo wada jir ah uga xunahay shirqoolka loo maleegay in lagu khaarajiyo Xildhibaan Mohamed Faarah Qabileh. Waxa ay aheyd khamiistii bishan october 17 keedii markii kaalin shidaal oo ku taala waqooyiga caasimada Hargeysa lagu duqeeyey gaadhi kaalintaa iska taagnaa oo uu watey Mujaahid Ibrahim Abdillahi Xuseen Dhegaweyne.Gaadhiga shilkaa geystey wuxuu ahaa  gaadhi Land Cruser ah oo GT ah oo uu watey Wasiir-ku -xigeen xukuumada ka tirsan oo marka uu shilkaa sababey la sheegay in uu ahaa laga wanaagsane aanu maankiisu caadi aheyn.Taas oo ceebtii ninkaa laga roonaha ah loo xil-qariyey oo dhacdadii shilkaana ay shacabkii goobtaasi ay qaarkood  xisaabiyeen shil-baa-buur oo laga roone sababey halka ay qaarkoodna ay xisaabiyeen maadaama gaadhiga dhegaweyne uu iska taagnaa goobta shidaalka ay yidhaahdeen waa shir-qool lagu khaarajinaayo Mujaahid Dhegaweyne ee arinka baadhis culus ha lagu sameeyo.

 

.Hadaba iyada oo shakigaasi uu hore u-jirey ayaa maanta oo taariihkdu tahay 21/10/13 ayaa waxaa isagana weerar badheedh ah oo naxdin leh  oo hubeysan oo cadaan ah lagu soo qaadey Xildhibaan Mohamed Faarax Qabile oo gurigiisa ku sii socda , waxaana shirqoolkaa hubeysan ee Ilaahay ka bad-baadiyey Xildhibaan Qabile soo maleegay 4 nin oo dabley ah oo afka soo duubtey oo rasaas ooda kaga qaadey Xildhibaanka  laakiin alleh ka bad-baadiyey. waxaa Xildhibaanku xaqiijiyey in maalmo ka hor dhowr jeer Mobilkiisa loogu duubey digniin ah in la khaarajin-doono hadii uu ka waantoobi waayo mucaaradnimada adag, taa soo noqon karta  shirqool ay soo maleegeen cidii digniinta u-soo dirtey Xildhibaanka, waxaana ay tani sahleysaa in si sahlan loo dabo galo oo loogu xidhiidhiyo dableyda Xildhibaanka rasaasta ooda kaga qaadey in ay yihiinba kuwii digniinta u-soo diri jirey.

 

 

Waxaa dastuurka qaranka Somaliland uu u-damaanad qaadayaa oo uu liisan buuxa u-siinayaa in uu Xildhibaan Qabile uu qaabkasta oo uu doono  uu dareenkiisa u cabiro karo xukuumadana ugu dhaliili karo  maadaama uu yahay Xildhibaan mucaarad ah oo qaran. Hadaba hadaanu nahay Qurbo-jooga reer UK ee ka soo jeeda gobolka Saaxil anaga oo isku duuban marna ka yeelimeyno in la u-gaadhsado,la bahdilo oo lagu xad-gudubo xuquuqda , xoriyatalqowlka, karaamada iyo milgihii uu xaqa u-leeyahay muwaadin kasta oo reer Somaliland ah ama  mucaarad ama muxaafad ha ahaadaan. Gaar ahaan xildhibaanada mucaaridka ah ee loo igmadey in ay toosiyaan oo  tilmaamaan Xukuumadeena taraartey ee toobiyihii seegtey ee  hada ku hafatey siyaasadii wadanka ee gudaha  iyo debedaba.

 

Waxaanu aad uga xunahay in maanta nabadgelyadii magaalada  Hargeysa oo ah Caasimadii wadanka ay nabadgelyadeedii ay faraha ka baxdo oo rasaas lasku u-gaadhsado, taas oo ay kaaga markhaati tahay shirqoolkaa badheedhka ah ee la isku dayey in lagu khaarajiyo Xildhibaan Mohamed Faarax Qabileh hadhka cad.  Waxaanu xukuumada ka codsaneynaa in ay talaabada  ku haboob ee lawada sugaayo ay dawladu ka qaado arintan foosha xun ee la isku dayey in xildhibaanka gurigiisa hortiisa lagu khaarajiyo,lana hor-keeno sharciga danbiilayaasha falkaa ka danbeeyey ee khal-khalka geliyey nabadgelyadii Caasimada wadanka.

 

Alleh ayaa Mahad Leh

Waa Bilaahi -Tawfiq.

Gudida qurbo joogta reer UK

ee ka soo jeeda gobolka Saaxil

fidhinle@aol.co.uk

Exit mobile version