WAJAALE NEWS

Wasiirada wasaaraha Deeganka iyo horumarinta reer miyi iyo Beeraha Somaliland iyo Maamulka gobolka Oo maanta si wadajira u dhagax dhigay dhisme cusub oo loo dhisayo wasaaarada deegaanka ee gobolka gabiley

waxaa la doonayaa inaad ilaa ilaashatan deegaanka, waayo duurjoogteenii waala dhameeyey xataa hadii aaad aragtaa sakaaro waa inaad ilaalisaan, si loo badbaadiyo deegaankiinii.”ayey wasiirka deegaanka somaliland
Wasiirka Wasarada Deeganka iyo horumarinta reer miyiga oo uu weheliyo Wasiirka Wasarada Beeraha Somaliland ayaa manta si wadajira u dhagax dhigay dhisme cusub oo wasarada Deeganka iyo horumarinta reermiyiga oo laga hirgalinaayo Gobolka Gabiley, xaflada balaadhan oo lagu dhagax dhigayey dhismahani oo lagu qabtey halka laga dhisayodhismahani ayaa ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadashaym Isuduwaha wasaarada beeraha gobolka gabiley fadxiya muxumed ciise ayaa ka warbixisay xaalada guud ee deegaanka iyo waxyaabaha u qabsoomay wasaarada
waxaaney tidhi”xaalada guud ee deegaanku aad bay u wanaagsan tahay runtii waxaa jirey dad badan oo aanu kusoo xidhey dhir go,ay iyo iyaga oo ugaadh iibinaya , oo aanu talaabo ka qaadey, anaga wasaradayadu waa ilaalinta deegaanka, marwalba waxaanu ku dadaleynaa sidii aanu u ilaalin lahayna deegaanka.”
Badhasaabka gobolka gabiley yuusuf ibraahin geedi oo halkaasi ka Hadley ayaa u mahadceliyey wasiiirada wasaarada horumarinta reer miyiga waxaanu yidhi”waxaan u mahad celinayaa wasiirka horumarinta reer miyiga, oo maanta dhagax dhigey xaruntii wasaaradeedu ay ku yeelan lahayda gobolka gabiley, runtii baaqii aaanu dirneyna waykasoo jawaabtey, wasaarada aan xafiis lahayn ka shaqayn mayso gabiley.”
Wasiirka beeraha Somaliland faarax cilmi geedoole oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa aad u soo dhaweeyey dhismaha wasaarada horumarinta iyo reermiyiga waxaanu yidhi”waxaan aad usoo dhaweynayaa dhismaha wasaarad hurumarinta iyo reer miyiga dhagaxdhigan loo sameeyey wasaarada muhima ah oo aan laga maarmeyna runtii maalintii la magaacay ayaa aad ugu farxay waayo waxaa dareemay ina deegaankii iyo wasaaradiibaa la badbaadiyey, iyada oo markeedii horeba tabaruc ku shaqayneysay sidii ay deegaanka u ilaaliso,..”

Gabogabadiiwaxaa halkaasi ka hadashay wasiirka wasaarad horumarinta iyo deegaanka shukri x.ismaciil bandaro, waxayn balan qaaadey ina sida ugu dhakhsaha badan ay u dhisidoonaan waxaan ka mid ahaa haladeedii” maanta waxaynu jogna maagalada gabile si ayaanu u dhagax dhigno xafiiskii cusbaa ee ay yeelan lahayd wasaarada horumarnta deegaanka iyo reer miyiga,waayo xafiis kumaanu lahayna, waxaa xusida ina xafiisyadii aanu ku lahayn gobolada aanu diyaariney, kuwa ay dadku nagaga jiraan waxanu ka codsaneynaa inay noog baxaan,waayo maanta ayey dawlada ugu bahi badan xaga xafiisyada is umada loogu sheqeeyo, waxaa sanadka noo qorshaysan inaanu tagno dhamaan goboladii dalka, waayo macno ma sameyneyso xafiis iyo afar kursi laaakin waa ina dadkii gobolada loogu sheqeeyaan, fadxiyina aad bay u shaqaysay wayna ku mahadsan tahay waxaa kusoo gabogabeynayaa hala ilaaliyo deegaanka.”
Gabadii waxay kormeer ku tageen jaacada Tima-ade ee gobolka Gabiley waxayna halkaasi kulan kula qaateen maamulka jaamacada iyo ardeydakuliyada beeraha ee jaamacada Tima-ade oo ay halkaasi khudbada waano u bad uga jeediyeen



WAJAALE NEWS DISK
Gabiley  Office
CONTACT US : Wajalenews@gmail.com
Exit mobile version