WAJAALE NEWS

war degdega golaha fulinta ee kulmiye oo ansixiyay gudidii qabanqaabada shirwaynaha

http://hubaalmedia.com/wp-content/uploads/2013/10/kulmiye.jpg

 

argeysa(WJN)-Nuxurka Qodabadii muranka adagi ka taagnaa maalmahan ee Gudaha Xisbiga Kulmiye khusuusan u dhexeeyay  Hogaanka Xisbiga iyo Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumada ayaa la Isla qaatey sadex qodob oo kamid ah kadib markii xubnaha Gudida fulinta Xisbiga Kulmiye intii ka banaaneyd la buuxiyay, islamarkaana, lagu darey Xubnaha ururadii kusoo biirey Xisbiga ee Dalsan iyo Rays, taas oo dhinaca kalena lagu kordhiyay Xubnaha Gudida Qabanqaabada Shirweynaha Sideed Xubnood oo Magacyadooda lasoo saarey.

Kulankii loo balnasnaa maanta oo
Salaasa ah Islamarkaana, ay Hogaanka Xisbiga Kulmiye, Gudida Fulinta  iyo Xubnaha Wasiirada Xukuumada ee katirsan Xisbigu ku yeesheen Guriga Madexweyne Kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici),  ayaa falanqeyn badan kadib la isla qaatey inta ugu badan ee nuxurka qodobadii muranku ka taagnaa oo ay kamid ahaayeen  buuxinta jagooyinkii ka banaanaa Xubnaha Gudida fulinta oo hogaanka Xisbigu soo dhigay, iyo xubnaha laga qaadanayay ururada Rays iyo dalsan ee ku hadhey Doorashooyinkii D/hoose oo Xisbiga Kulmiye ku soo biirey, iyo xubnaha lagu kordhiyay Gudida qabanqaabada Shirweynaha, ee sideeda Xubnood ahaa,  oo liiskoodii oo dhamesys tiran lasoo saarey, iyadoo kulankani ay goob joog ka ahaayeen afar iyo sodon xubnood oo Golaha Fulinta Xisbiga Kulmiye, ah(34 )islamarkaana, ay laba iyo sodon kamid ahi cod gacan taag ah ku aqbaleen xubnaha lasoo kordhiyay ee fulinta iyo qabanqaabada Gudoomiyihuna aanu codeynin halka ay laba kamid ahina ka aamuseen, halkan ka akhriso Xubnaha Gudida qabanqaabada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo dhameystiran.

1-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

2-Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe

3-Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa

4-Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye

5-Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi

6-Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari

7-Xildhibaan Cali Obsiiye Diiriye(Cali-Gabiley)

8-Xasan Maxamed Cali(Xasan-gaafaadhi)

9-C/risaaq Waabari Rooble

10-Sahal Maxamed Jaamac

11-Cismaan Garaad Soofe

12-Faarax Yuusuf Nuur(Faarax-Xadhigle)

13-Abiibakar Xaamud Jibriil

14-Xasan Mawliid

15-Cabdiraxmaan Maxamuud Caraale

16-Yaasiin Maxamuud Cabdi

17-Amaal Xaaji Axmed Miisaan

18-Mustafe Faarax Dhoore

19-Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Cabdi-giire)

20-Dr Cumar Cilmi Duxood

21-Farax Faarax Cali

22-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caali

23-Aamina Yuusuf Aar

24-Fu,aad Maxamed Cumar

25-Yuusuf Nuur Maxamed(Garuuje)

26-Ibraahim Cowke

27-Maxamuud Axmed Saalax

Sikastaba ha ahaatee waxa la filayaa in waxyaabaha Muhiimka ah ee dhiman lagu soo gabagabeyn doono Shirweynaha oo ku beegan bisha aakhirka Sanadkan ee inagu soo aadan.

WAJAALE NEWS DISK

HARGEISA OFFICE

 

Exit mobile version