WAJAALE NEWS

Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Goor Dhaweyd U Ambabaxey Ceerigaabo iyo Ujeedada Socdaalkooda

wasir xarsiHargeysa(Wajaale News)-Wafti uu hogaaminayo Wasiirka  Madaxtooyada Somaliland oo ka kooban Salaadiin Madax-dhaqameed iyo QeybahaGudida la magacaabay ee Dhismaha Jidka Burco iyo Ceerigaabo ayaa goor dhaweydka amababaxey Caasimada Somaliland ee Hargeysa waftigaas oo usii jeeda Dhinaca  Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag.

Waftigan oo Wasiirka Madaxtooyada ay ku wehelinayaanWasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Somaliland Cadaani iyo Wasiirkii hore ee  Arimaha Bulshada iyo Shaqada Ilhaan Maxamed Jaamac, ayaa nuxurka ujeedada  socdaalkooda lagu sheegay in ay olole Balaadhan oo loogu qaadhaamayo Dhismaha  jidka u dhexeeya Ceerigaabo iyo Burco ay kasoo bilaabayaan Magaalada Ceerigaabo  iyo Guud ahaanba Degmooyinka Gobolka Sanaag.

Waftigan uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kamid ah

bahda Talafishanka  Caalamiga ah ee Universal iyo Wariyayaasha caanka ah ee Axmed Xasan Cowke iyo  Cabdisalaan Ibraahim Herari oo iyaguna kala Qeyb qaadanaya Barnaamijyada  Wacyigalinta Dhismaha Jidka Ceerigaabo iyo Burco.

Dhinaca kale waxa maalmahanba kusugnaa Magaalada  Ceerigaabo Wafti wasiiro ah oo ka kooban afar Wasiir kuwaas oo hogaamiye u ahaa  Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali, Wasiirada  Gaashaandhiga, Ciyaaraha iyo Dhalinyarada iyo Wasiirka Biyaha.

Wajaale News
Hargeysa Office
Info:wajalenews@gmail.com

Exit mobile version