WAJAALE NEWS

Ururka Horumarinta Waxbarashada Ee Tabantaabo Oo Xaflad Dhiirigalina Usameeyey Qaar Ka mida Ardayda Ka Qalin-jabisay Jaamacadaha Iyo Dugsiyada Sarre Ee Dalka.

ururka tabantaaboHargeysa(Wajaale News) -Ururka Horumarinta Waxbarashada ee Tabantaabo ayaa Xaflad balaadhan oo oo lagu dhiiri-galinaayo Adaydii ka qalin jabisay Jaamacadaha Dalka iyo Dugsiyada Sare.

Ku qabtay Hotel Shiraaqle ee Magaalada Hargeysa. Xafladan ayaa waxa kasoo qayb galay Marti-sharaf aad u tirabadan oo isagu jira Masuuliyiin, Siyaasiyiin Salaadiin ,Cuqaal iyo Marti-sharaf kale oo aad u tira badnaa kuwaasoo ay ka mid ahaayeen , Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre , Suldaan Siciid Ducaale, Suldaan Mahad Careej, Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey , Suldaan Daakir,Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Mr. Aadan Axmed Warsame Wasiiru Dawlaha Maaliyada , Mr. Cadaani, Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Somaliland Mr.Maxamed Nuur Caraale Duur, Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodi-Jeex Mr.Ismaaciil Dhubato,Wasiirkii hore ee wasaarada Kaluumaysiga Mr.C/laahi Cismaan Geeljire, Gudoomiyaha ICT Commisonka Qaranka Eng. Cali C/laahi Daahir, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Mr. Maxamed Shugri ,Gudoomiyaha Jaamacada ALPHA Mr. C/risaaq Xuseen Xasan , Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Mr. Aadan Axmed Warsame,Gudoomiyaha Jimciyada Mujaahidiinta Sooyaal Mr.Xasan Cabdi Maxamed

Gudoomiyaha Ururka Horumarinta Waxbarashada ee Tabantaabo Mr. Jamaal waxa uu si gaara u xusay in ardayda ay xafladan dhiirigalintaa u qabtay ay gaar u yihiin Ardayda u soo baxday Degmada G/Libaax ee Magaalada Hargeysa . Gabagabadii ayaa waxa uu gudoomiye Jamaal Xusay in dhalinyarada Degmadan G/libaax ay kaalin muuqata kaga jiraan Jiilka Waxbarashada Dalka isagoo carabka ku adkeeyey in ay kaalmaha hore ka galeen Sanadihii ugu danbeeyey arday aad u tiro badan oo Degmadan u dhashay.

Xafladan oo ahayd mid ilyartu isqabatay ayaa waxa hadalo kasoo jeediyey Marti-sharaftii Miisaanka culus lahayd ee Madasha joogtay iyagoo guud ahaan u mahad-naqay Ururka Tabantaabo iyagoo sidoo kale dhiirigaliyey ardaydii xaflada loo qabtay

Dhinaca kale waxa gabagabadii xafladan Shahaado Sharafyo iyo Abaal-marino kale lagu gudoonsiiyey Ardaydii kaalmaha hore u gashay Jaamacadaha iyo Dugsiyada Sarre ee Degmadan kasoo jeeday

Wajaale News
Hargeysa Office
Info wajalenews@gmail.com

Exit mobile version