Ninka u dhashay Scotland, oo shaqada tababarenimo ka fariistay dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore ka dib 26 sano oo uu leylinayey kooxda Old Trafford, ayaa cadeeyey inuu milkiilaha Blues Roman Abramovich doonayey inuu isaga geeyo Galbeedka London markii uu kooxda halkaas ka dhisan iibsaday 2003dii.
Sir Alex Ferguson oo daaha ka qaaday inuu diiday shaqada tababarenimo ee kooxda Chelsea
Maalqabeenka Ruushka u dhashay ayaa tababareyaal badan ceyriyey mudadii 10ka sano aheyd ee uu kooxdan milkiilaha ka ahaa, laakiin Ferguson ayaa qirtay inuusan fursad u heyn inuu aado Stamford Bridge.
“Waxay adeegsadeen wakiil ila soo xiriiray markii Abramovich uu kooxda la wareegay, waxaan dhahay fursad ma hayo,” Ferguson ayaa sidaasi u sheegay TV-ga Mareykanka laga leeyahay ee PBS.
Wajaale News
Hargeysa Office
wajalenews@gmail.com