WAJAALE NEWS

Qiso Layaab Leh Wiil Yar Oo Haddii Uu Muran iyo Hadalo Kulkulul Maqlo Noloshiisu Halis Galayso

maraykanWiil yar oo 4 jir ah, kaasoo jirdhkiisu ay ka maqan yihiin hormoono muhiima ayaa muranka iyo hadalada kululul ay ku keeni karaan in uu geeriyoodo sida waalidiintii xaqiijiyeen.
Wiilkan yar oo la yidhaa Morgan Taylor waxa ka maqan hormoono muhiima, taasoo macnaheedu tahay in aanu u adkaysan karin waxyaabaha caddiifaddu ku dheehan tahay, gaar ahaan murugada.
Ilmahan yar jidhkiisu ma soo saari hormoonka Cortisol oo ka hortaga murugada, sidaa darteed jidhkiisu waxa uu daqiiqado gudahood ku dareema murugo iyo diiqad haddii aan 30 daqiiqaba lagu mudin irbad ka hortagta isku buuqa.

?Maalin kasta waxaan eega saacada si aan u ogaado inuu soo noqdo, sababtoo ah aniga k amasuula, haddii aan waayana aad bay xaaladu u adkaanaysa, balse watigan waa in aan dugsiga ka daayo,? ayuu tidhi Susan Murwald oo ah hooyada dhashay wiilkan yar.
Wiilkan yar waxa xaaladan laga helay markii uu dhashay, taasoo aakhirkiina dhakhaatiirtu u sheegeen waalidkii in ay adag tahay inuu sii noolaado.
Ms Murwald waxay sheegtay in wiilkoodan ay mar walba ka cabsadaan inuu xaalad halisa galo, balse ay dhakhaatiirtu u sameeyeen daawo ka hortaga xaalada jidhkiisa diiqada deg dega ah ee naftiisa sahayn karta ku sababta.
Mr. Taylor oo ah aabbaha dhalay wiilkan yar ayaa sheegay in hadalada aadka u kululul ay ka ilaaliyaan si aanu u murugoon, caafimaadkiisuna u xumaan, waxaannu yidhi ?Xataa haddii aan qof kale la murmaayo ma awooddu inuu fadhiyo, waana in aan dejiyaa, waxaannu u baahan yahay in lagu muddo hormoonka Cortisol oo jidhkiisa caadi ka dhigaya.

 

Hargeysa Office
Wajaale News
Info wajalenews@gmail.com

Exit mobile version